Wiil Soomaali-Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ahaa Mall of America
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiWiil 18 jir ah oo Soomaali-Mareykan ah oo la yiraahdo Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ballaaran oo ka dhan ah Mall of America ee Minnesota.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa Talaadadii la xiray kaddib markii uu, sida ay sheegtay dacwad federaal ah oo Arbacadii la gudbiyay, $600 ku iibsaday qori nooca AK-47 ah, afar qasnadood oo midkiiba qaado 30 xabbadood iyo ku dhowaad 200 oo xabbadood oo rasaas ah.
- Qofka uu hubka ka iibsanayay ayaa ahaa sarkaal FBI ah oo si qarsoodi ah uga shaqeynayay howlgalka.
- FBI-da ayaa qabatay Sheikhdoon wax yar kaddib markii uu hubka la wareegay, xilli uu ku sugnaa magaalada Richfield oo dhowr mayl u jirta Mall of America.
- Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa ku eedeeyay inuu si ula kac ah u helay hub iyo rasaas isagoo og ama haysta sabab macquul ah oo uu ku fahmi karo in loo adeegsan doono fal dambiyeed iyo fal argagixiso oo federaal ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa walaac amni oo muhiim ah oo ku saabsan argagixisada gudaha ee Mareykanka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ka dhanka ah Sheikhdoon?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sheikhdoon ayaa lagu eedeeyay inuu $600 ku iibsaday qori nooca AK-47 ah iyo rasaas ka timid sarkaal FBI ah oo si qarsoodi ah uga shaqeynayay howlgalka.
- Haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi gaaraya 15 sano.
- FBI-da ayaa baaritaanka Sheikhdoon billowday bishii December 2024, sida lagu sheegay warqadda dhaarta ah ee lagu lifaaqay dacwadda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Minneapolis (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay wiil 18 jir ah oo ku dhashay Mareykanka, asal ahaanna Soomaali ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ballaaran oo uu ka geysto xarunta ganacsiga Mall of America ee gobolka Minnesota, isagoo la sheegay inuu taageersanaa kooxda Daacish.
Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa Talaadadii la xiray kaddib markii uu, sida ay sheegtay dacwad federaal ah oo Arbacadii la gudbiyay, $600 ku iibsaday qori nooca AK-47 ah, afar qasnadood oo midkiiba qaado 30 xabbadood iyo ku dhowaad 200 oo xabbadood oo rasaas ah.
Qofka uu hubka ka iibsanayay ayaa ahaa sarkaal FBI ah oo si qarsoodi ah uga shaqeynayay howlgalka. Qoriga la siiyay Sheikhdoon ayaa horay looga dhigay mid aan shaqeyn karin, balse rasaasta ayaa ahayd mid dhab ah, sida lagu sheegay dokumentiyada maxkamadda.
FBI-da ayaa qabatay Sheikhdoon wax yar kaddib markii uu hubka la wareegay, xilli uu ku sugnaa magaalada Richfield oo dhowr mayl u jirta Mall of America.
Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa ku eedeeyay inuu si ula kac ah u helay hub iyo rasaas isagoo og ama haysta sabab macquul ah oo uu ku fahmi karo in loo adeegsan doono fal dambiyeed iyo fal argagixiso oo federaal ah.
Haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi gaaraya 15 sano.
“Waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo xagjir noqday, kaas oo loo baahnaa in lala socdo,” ayuu yiri Daniel Rosen, xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota.
Rosen ayaa sheegay in baarayaashu ay awood u yeesheen inay ogaadaan khatarta oo ay fashiliyaan ka hor inta uusan eedeysanuhu fulin qorshihiisa, kaas oo uu sheegay inuu doonayay inuu ku dilo “qiyaastii 30 ilaa 60 qof”.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Sheikhdoon uu yahay muwaadin Mareykan ah oo dalkaas ku dhashay, kana soo jeeda qoys Soomaali ah, isla markaana baaritaanka hadda jira uu muujinayo inuu kaligiis ku dhaqaaqayay.
Safarka Soomaaliya
FBI-da ayaa baaritaanka Sheikhdoon billowday bishii December 2024, sida lagu sheegay warqadda dhaarta ah ee lagu lifaaqay dacwadda.
Baarayaashu waxay sheegeen in muddo ku dhow laba sano uu boqolaal farriimood is dhaafsaday qof xog-siiye sir ah oo la shaqeynayay FBI-da, iyagoo adeegsanayay baraha Telegram, Signal, Discord, TikTok iyo kuwo kale.
Sida ku xusan dacwadda, Sheikhdoon ayaa markii hore ka hadlayay inuu dibadda u safro si uu ugu biiro Al-Shabaab, kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee dagaalka muddada dheer ka wada Soomaaliya.
Waxaa lagu eedeeyay inuu xog-siiyeha u sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya tago oo uu kooxda u dagaallamo, isagoo mararka qaar sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada inuu weerar khasaare badan geysta ka fuliyo Minnesota haddii uu awoodi waayo inuu dibadda u baxo.
Baarayaashu waxay sheegeen in hadalladiisu markii dambe si isa soo taraysa ugu wareegeen Daacish, isagoo lagu eedeeyay inuu daawanayay isla markaana faafinayay dacaayadaha kooxda, ugu dambeynna duubay muuqaal uu ku sheeganayo inuu daacad u yahay Daacish iyo hoggaankeeda.
Dokumentiyada maxkamadda ayaa tilmaamaya in qorshihii safarka dibadda uu isu beddelay mid gudaha Mareykanka ah kaddib markii Sheikhdoon uu sheegay inuusan haysan lacag ku filan oo uu ku safro.
Bishii July ayuu, sida dacwaddu sheegtay, xog-siiyeha u sheegay in haddii uusan dalka ka bixi karin uu “halkan Mareykanka isku diyaarin doono”, isagoo ka hadlay iibsashada hub iyo weerar lagu qaado Mall of America ama goobta madadaalada Valleyfair ee Minnesota.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inuu ugu dambeyn bartilmaameedkiisa ka dhigtay Mall of America.
24-ka October
Dacwadda ayaa sheegtay in Sheikhdoon uu markii dambe 24-ka October u asteeyay maalinta uu doonayay inuu weerarka fuliyo, xilli xarunta Mall of America lagu waday munaasabad farshaxan oo ay leeyihiin bulshada Hmong.
Waxaa la sheegay inuu xog-siiyeha u diray macluumaad ku saabsan munaasabadda, isagoo filayay inay goobta isugu yimaadaan dad badan.
Dacwadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu sheegay inuu xarunta ganacsiga u doortay sababo la xiriira waxa uu aaminsanaa inay leedahay cid Yuhuud ah.
Dhammaadkii September, baarayaashu waxay sheegeen in qorshuhu sii faahfaahayay. Markii la weydiiyay inuu dhab ka yahay weerarka, Sheikhdoon ayaa la sheegay inuu ku jawaabay inuu “100% hubay”, isagoo isku tilmaamay inuu diyaar u yahay “maskax ahaan iyo jir ahaanba”.
Baarayaashu waxay markaas u diyaariyeen inuu la kulmo sarkaal FBI ah oo si qarsoodi ah u shaqeynayay, kaas oo uu Sheikhdoon aaminsanaa inuu ka tirsan yahay Daacish isla markaana awood u leeyahay inuu hub siiyo.
6-dii October, kooxaha dabagalka ayaa la socday Sheikhdoon ilaa goobta kulanka, halkaas oo lagu eedeeyay inuu bixiyay $600 isla markaana la wareegay qoriga, qasnadaha iyo rasaasta.
Intii lagu jiray kulanka la duubayay, dacwaddu waxay sheegtay inuu ka hadlay taageeradiisa Daacish iyo qorshaha uu doonayay inuu ku weeraro Mall of America.
Wax yar kaddib ayay FBI-du xirtay.
“Halkii uu ka heli lahaa wax uu ku dilo tiro badan oo Mareykan ah, eedeysanuhu wuxuu halkaas ka helay koox FBI ah oo sugaysay inay xirto,” ayuu yiri Christopher Dotson, madaxa xafiiska FBI-da ee Minneapolis.
Xabsiga ayuu ku sii jirayaa
Sheikhdoon ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada St. Paul, isagoo hor-tagay garsoore Elizabeth Cowan Wright.
Maxkamadda ayaa u magacowday qareen federaal ah oo difaaca, waxayna amartay inuu xabsiga ku sii jiro ilaa 19-ka October, xilligaas oo la filayo in maxkamaddu go’aan ka gaarto in lagu sii hayo inta dacwaddu socoto.
Mas’uuliyiinta federaalka ayaa sheegay in aysan jirin ilaa hadda wax muujinaya in qorshaha lagu eedeeyay uu qeyb ka ahaa shabakad ka ballaaran ama ay dad kale si toos ah ugu lug lahaayeen.
Maamulka Mall of America ayaa sheegay inuu leeyahay heerar kala duwan oo amni, isla markaana uu si joogto ah ula shaqeeyo hay’adaha ammaanka ee heer deegaan, gobol iyo federaal.
Dhammaan eedeymaha loo jeediyay Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa weli ah kuwo ku jira marxaladda dacwadda, mana jiro xukun maxkamadeed oo lagu caddeeyay dambiga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wiil 18 jir ah oo Soomaali-Mareykan ah oo la yiraahdo Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ballaaran oo ka dhan ah Mall of America ee Minnesota.
Qodobada muhiimka ah
- Wiil 18 jir ah oo Soomaali-Mareykan ah oo la yiraahdo Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ballaaran oo ka dhan ah Mall of America ee Minnesota.
- Sheikhdoon ayaa lagu eedeeyay inuu $600 ku iibsaday qori nooca AK-47 ah iyo rasaas ka timid sarkaal FBI ah oo si qarsoodi ah uga shaqeynayay howlgalka.
- Haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi gaaraya 15 sano.
- FBI-da ayaa baaritaanka Sheikhdoon billowday bishii December 2024, sida lagu sheegay warqadda dhaarta ah ee lagu lifaaqay dacwadda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay eedeymo ay soo bandhigeen mas'uuliyiinta Mareykanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Sheikhdoon ama wakiilkiisa sharciga oo ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma caddaynayo xaaladda hadda ee howlaha sharciga ee Sheikhdoon.
Gunaanadka akhristaha
Sheikhdoon Abdullahi Mohamud ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar, taasoo keentay walaac ku saabsan argagixisada gudaha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ka dhanka ah Sheikhdoon?
- Maxay noqon doonaan talaabooyinka xiga ee habka sharciga ee Sheikhdoon?
- Sidee ayey bulshada uga falcelisay eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa walaac amni oo muhiim ah oo ku saabsan argagixisada gudaha ee Mareykanka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · america · soomaali · mall