Wufuud ku soo qulqulaysa Garoowe
Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada rayidka, kuwaas oo ka… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada rayidka, kuwaas oo ka qaybgala shir ka dhacaya caasimadda Puntland.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa looga hadli doonaa “Nuglaanta, Dhismaha Dowladnimada & Nabadeynta Soomaaliya” wuxuuna furmi doonaa 21-ka bishan Sebteembar, isaga oo socon doona labo maalmoood.
Wufuuda maanta timid Garoowe, waxaa ka mid ah Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yeray), waxaana labada maalmood ee socota la sugayaa wufuud badan oo ka qabgalaysa shirka Garoowe.
Wufuuda iman doonta Garoowe waxaa ka mid ah xubno ka mid ah muraacadka Soomaaliya, kuwaas oo ka mid yihiin Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo xubno ka mid ah labada aqal ee baarlamaanka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · garoowe · soo · wufuud