Xamse: Ma siyaasadeyno dhaqaalaha aan siino dowlad goboleedyada
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan siyaasadeyn dhaqaalaha ay siiso dowlad goboleedyada, isaga oo… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan siyaasadeyn dhaqaalaha ay siiso dowlad goboleedyada, isaga oo xusay in sanadkii tagey ee 2025 uu ahaa kii dhaqaalaha ugu badan la siiyay.
“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad goboleedyada. Sanadkii 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyay dowlad goboleedyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadkii 2025, taas oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yimid, iyada oo Puntland mararka qaarkood ku eedeyso Dowladda Federaalka in ay siyaasadeyso dhaqaalaha caalamku siiyo Soomaaliya.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · goboleedyada · dhaqaalaha · xamse
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- RW Xamza oo xaqiijiyay arrin la xiriirta dhaqaalaha DF ay siiso dowlad-goboleedyada
Caasimada Online
- Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in aysan wax dhaqaalo ah ka jarin Puntland iyo Jubbaland.
Hiiraanweyn
- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey
Goobjoog Somali