Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya ee isku xirta Kaaraan iyo Gubadleey
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya oo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey ee Gobolka Banaadir.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 7 KM, lehna laba jiho oo isu-socod ah, ayaa lagu maalgeliyey dakhliga ka soo xarooda canshuuraha shacabka, waxaana dhaqaalaha ku baxay si dhammeystiran u bixiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo shirkadda dhismaha fulisay tayada, hufnaanta iyo habka casriga ah ee loo dhisay wadada, isaga oo xusay in hirgelinta mashaariicda noocan ahi ay door muhiim ah ka qaadanayaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo horumarka dalka.
- Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan taageerada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye ee wata aragtiyada aan waafaqsanayn danaha qaranka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya oo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey ee Gobolka Banaadir.
Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 7 KM, lehna laba jiho oo isu-socod ah, ayaa lagu maalgeliyey dakhliga ka soo xarooda canshuuraha shacabka, waxaana dhaqaalaha ku baxay si dhammeystiran u bixiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo shirkadda dhismaha fulisay tayada, hufnaanta iyo habka casriga ah ee loo dhisay wadada, isaga oo xusay in hirgelinta mashaariicda noocan ahi ay door muhiim ah ka qaadanayaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo horumarka dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan taageerada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye ee wata aragtiyada aan waafaqsanayn danaha qaranka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gubadleey · waddada · jamhuuriya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada