Xildhibaan Sanbalooshe oo ka digey muddo kordhin loo sameeyo DFS.
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo muddo kordhin sharci…

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo muddo kordhin sharci…
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in la aqbalo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda, isagoo ka digay cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara tallaabo kasta oo ka baxsan dastuurka dalka.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in madaxda dowladda federaalka ay ilaaliyaan dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, si looga fogaado khilaaf cusub oo dalka dib ugu celin kara xaalado adag. Wuxuu xusay in xal kasta oo siyaasadeed uu ku imaan karo oo keliya wada-tashi iyo is afgarad dhex mara dowladda, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada.
“Haddii maanta la aqbalo hal sanno oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo Madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sanno oo sharci-darro ah. “, Ayuu yiri xildhibaan Sanbalooshe.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan