Xog: Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo in uu qabto
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu qabto mid ka mid ah xilalka sare ee dowladda kaddib markii laga beddelay xilka Wasiirka Gaashaandhigga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayBishii April 2024-kii waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka bishii April 2025-kii loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga oo uu hadda ka degay.
- Ilo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Fiqi loo badinayo inuu beddelo Abshir Bukhaari—oo ka soo jeeda beesha Saleebaan—si uu u noqdo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.
- Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in beesha Saleebaan ay yeelato saddex kursi oo wasiirro federaal ah, maadaama Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, uu isna ka soo jeedo beeshaas.
- Il wareed kale oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Fiqi sidoo kale loo tixgelinayo xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha, inkastoo xubno ka tirsan Villa Somalia ay sheegeyn in aysan u badneyn dhankaas.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara maamulka iyo istaraatiijiyadda amniga Soomaaliya.
- Waxa weli aan caddayn
- Xilkee gaara ayaa Fiqi loo magacaabi doonaa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Fiqi ayaa loo tixgelinayaa xilka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.
- Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro, isla markaana la wado qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa la filayaa inuu qabto mid ka mid ah xilalka sare ee dowladda federaalka, kaddib isku-shaandheyn kooban oo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu xilkaas kaga qaaday Isniintii, isaga oo ku beddelay Xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed Xasan (Saadaq Joon).
Ilo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Fiqi loo badinayo inuu beddelo Abshir Bukhaari—oo ka soo jeeda beesha Saleebaan—si uu u noqdo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in beesha Saleebaan ay yeelato saddex kursi oo wasiirro federaal ah, maadaama Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, uu isna ka soo jeedo beeshaas.
Il wareed kale oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Fiqi sidoo kale loo tixgelinayo xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha, inkastoo xubno ka tirsan Villa Somalia ay sheegeyn in aysan u badneyn dhankaas.
Sooyaalka siyaasadeed ee Fiqi
Axmed Macallin Fiqi waa siyaasi ruug-caddaa ah oo muddo dheer ka dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira amni, diblomaasiyad, maamul-goboleed, iyo wasaarado muhiim ah oo heer federaal ah.
Intii u dhexeysay sanadihii 2010-kii ilaa 2011-kii, wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan, ka hor inta aan bishii May 2011 loo magacaabin Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), xilkaas oo uu hayay ilaa bishii March 2013-kii.
Sanadkii 2015-kii wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Daljir, isaga oo sidoo kale u tartamay xilka madaxweynaha Galmudug sanadkaas, balse uu ku guuleystay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Sanadkii 2016-kii ayuu ku biiray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halka sanadihii 2020-kii ilaa 2021-kii uu ka soo noqday Wasiirka Amniga Gudaha ee dowlad-goboleedka Galmudug.
Markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu laabtay Villa Somalia sanadkii 2022-kii, Fiqi wuxuu xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ka noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Bishii April 2024-kii waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka bishii April 2025-kii loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga oo uu hadda ka degay.
Xaaladda difaaca dalka
Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro, isla markaana la wado qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si ay amniga ula wareegaan.
Gelinkii hore ee Isniinta, intii uusan xilka ka degin, Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorsheynayso qorista in ka badan 20,000 oo askari, xilli ciidanka xoogga dalka ay u diyaargaroobayaan inay waajibaadka amniga kala wareegaan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika.
Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa 15-kii bishan November ciidanka xoogga dalka ku wareejiyay shan saldhig oo ku yaalla nawaaxiga magaalada xeebta ah ee Baraawe.
Dowladda Uganda, oo ciidamadeedii ugu horreeyay Soomaaliya keentay sanadkii 2007-dii, ayaa qorsheynaysa inay ciidamadeeda haray kala baxdo dalka dhammaadka sanadka 2027-ka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu qabto mid ka mid ah xilalka sare ee dowladda kaddib markii laga beddelay xilka Wasiirka Gaashaandhigga. Isbeddelkan ayaa qayb ka ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo ciidamada qaranka.
Qodobada muhiimka ah
- Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu qabto mid ka mid ah xilalka sare ee dowladda kaddib markii laga beddelay xilka Wasiirka Gaashaandhigga.
- Fiqi ayaa loo tixgelinayaa xilka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.
- Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro, isla markaana la wado qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira xilka cusub ee Fiqi.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Fiqi ama mas'uuliyiin kale oo ku saabsan isbeddelada la xusay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo siyaasadeed oo aan magac lahayn si loo taageero qaar ka mid ah eedeymaha.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaashu waa inay ogaadaan saameynta suurtagalka ah ee xilka cusub ee Fiqi ee ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Xilkee gaara ayaa Fiqi loo magacaabi doonaa?
- Maxay noqon doontaa saameynta isbeddelkan ee istaraatiijiyadda amniga qaranka?
- Sidee dowladda uga jawaabi doontaa walaacyada beesha Saleebaan ee ku saabsan matalaadda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara maamulka iyo istaraatiijiyadda amniga Soomaaliya.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · fiqi · xog · qabto
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada