Xog: Yaa la wareegaya afar saldhig oo Muqdisho u dhow oo ay ka baxayaan Ugandeeska
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay qorsheynayaan inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSaldhigyada Shabeellaha Hoose Sida ay AP ka soo xigatay warqadda, Uganda ayaa ciidamadan ku joogay heshiiska labada dal dirtay kaddib shir madaxeed dhacay Abriil 2025, kaas oo hoggaamiyeyaasha Afrika ay ku baaqeen ciidamo dheeraad ah oo la dagaallama Al-Shabaab.
- Qorshahan ayaa lagu sheegay warqad uu howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM 31-kii Oktoobar u diray Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo ay heshay wakaaladda wararka Associated Press (AP).
- Sida ay AP sheegtay, AUSSOM ayaa doonaya inuu saldhigyada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad la wareego inta lagu jiro isku-beddelka ciidamada ee bishan Nofeembar.
- Ciidamada waxaa laga soo wareejinayaa magaalada xeebta ah ee Baraawe, oo qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Yaa la wareegi doona saldhigyada ka dib markii ciidamadii Uganda ka baxaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday inay Soomaaliya kala baxdo ciidamo.
- Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay bilowday bixitaanka ciidamada ku joogay heshiiska labada dal.
- Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay saameynta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday inay Soomaaliya kala baxdo ciidamo ay ku keentay heshiis ay la gashay dowladda federaalka.
Qorshahan ayaa lagu sheegay warqad uu howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM 31-kii Oktoobar u diray Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo ay heshay wakaaladda wararka Associated Press (AP).
Sida ay AP sheegtay, AUSSOM ayaa doonaya inuu saldhigyada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad la wareego inta lagu jiro isku-beddelka ciidamada ee bishan Nofeembar. Warqadda ayaa goobahaas ku tilmaantay kuwo muhiim u ah amniga caasimadda.
Ciidamada waxaa laga soo wareejinayaa magaalada xeebta ah ee Baraawe, oo qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho. Weli ma cadda cidda sugi doonta saldhigyada ay halkaas kaga tagayaan.
Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay bilowday bixitaanka ciidamada ku joogay heshiiska labada dal, iyadoo sheegtay in dufcaddii koowaad ay durba dalka dib ugu laabatay.
“Howlgalka lagu saarayo ciidamada Soomaaliya ku jooga heshiisyada labada dal waxaa la soo gabagabeyn doonaa dhowrka maalmood ee soo socda,” ayuu afhayeenka militariga Uganda, Korneyl Chris Magezi, ku yiri bayaan uu soo saaray Isniintii.
Magezi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan AUSSOM, si tartiib ah Soomaaliya looga saari doono ugu dambeyn dhammaadka 2027.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay saameynta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah.
“Xaaladdu hadda ma aha mid aad u daran, balse dhibaatooyin ayay abuuri kartaa haddii ciidamadoodu si kedis ah uga baxaan,” ayuu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, u sheegay Reuters.
Uganda ayaa bishii Maarso 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo ku biiriya howlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya. Bixitaanka la qorsheeyey ayaa soo afjari doona labaatan sano oo ay ciidamadeedu taageerayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saldhigyada Shabeellaha Hoose
Sida ay AP ka soo xigatay warqadda, Uganda ayaa ciidamadan ku joogay heshiiska labada dal dirtay kaddib shir madaxeed dhacay Abriil 2025, kaas oo hoggaamiyeyaasha Afrika ay ku baaqeen ciidamo dheeraad ah oo la dagaallama Al-Shabaab. Ciidamadaas ayaa 17-kii bilood ee xigay ka qeyb qaatay dib u qabsashada iyo difaaca deegaanno.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isniintii booqday Baraawe, halkaas oo uu ciidamada ku amray inay feejignaan muujiyaan, xoojiyaanna howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidanka.
Bayaanka laguma caddeyn in ciidamada Soomaaliya ay la wareegi doonaan saldhigyada ay ciidamada Midowga Afrika banneynayaan.
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa Al-Shabaab ka qabsaday Baraawe sannadkii 2014. Kooxda ayaa dekedda magaalada u adeegsan jirtay soo gelinta dagaalyahanno iyo hub, iyo dhoofinta dhuxusha oo ay dhaqaale ka heli jirtay.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa weli weerarta bartilmaameedyo ciidan iyo kuwo rayid ah, inkastoo ay socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.
Toddobaadkii hore, sarkaal ka badbaaday weerar gaadmo ah ayaa AP u sheegay in ugu yaraan 20 askari oo Soomaali ah lagu dilay gobolka Baay. Dowladda ayaa qiratay in gaadiid ciidan uu waxyeello soo gaaray, balse ma aysan shaacin khasaaraha askarta.
Dhaqaale yari iyo mustaqbalka howlgalka
Farxaan Isxaaq Yuusuf, oo ah agaasime ku-xigeenka hay’adda cilmi-baarista Somali Public Agenda ee Muqdisho, ayaa AP u sheegay in dhaqaale yari ay soo dedejisay bixitaanka ciidamada Uganda.
Wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku yar yihiin agabkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen, isagoo Shabeellaha Hoose, oo ay ku sugnaayeen ciidamada baxaya, ku tilmaamay gobol muhiim u ah difaaca Muqdisho.
Bayaanka militariga Uganda laguma sheegin sababta ciidamada heshiiska labada dal ku joogay looga saarayo Soomaaliya xilligan.
Oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee AUSSOM ayaa ku eg 31-ka Diseembar, wuxuuna oggol yahay ilaa 11,826 askari iyo boolis, oo ay ku jiraan 680 boolis ah. Goluhu wuxuu deeq-bixiyeyaasha ugu baaqay inay bixiyaan dhaqaalaha howlgalka u saamaxaya gudashada waajibaadkiisa.
AUSSOM ayaa UNSOS ku tiirsan dhinacyada raashinka, shidaalka, daadgureynta caafimaadka, gaadiidka iyo taageerada kale ee saadka. Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo maalgelinta iyo taageerada uu siiyo xafiiskaas.
Hase yeeshee, Reuters ayaa bishii Sebtembar werisay, iyadoo xiganeysa qoraal diblomaasiyadeed, in Washington ay diyaar u tahay inay taageerto qorshe 12 bilood ah oo si tartiib ah loogu soo afjarayo howlaha UNSOS.
Ilo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladda Soomaaliya ah ayaa wakaaladda u sheegay in muddadaas ay ka bilaaban doonto Janaayo 2027.
“Waxaan filaynaa in hannaanka iyo jadwalka dhimista laga wada hadlo inta ay socdaan doodaha Golaha Ammaanka ee bisha Diseembar,” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u sheegay Reuters.
Arrintan ayaa Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah siinaysa waqti dheeraad ah oo ay ku raadiyaan maalgelin iyo habab kale oo lagu daboolo baahida saadka ee AUSSOM.
Isbeddelladan ayaa ku soo beegmaya xilli howlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu xirmay 31-kii Oktoobar, kaddib hannaan xil-wareejin ah oo laba sano socday, ayna codsatay dowladda Soomaaliya.
Shaqooyinkii howlgalkaas waxaa lagu wareejiyey hay’adaha Soomaaliya iyo kuwa Qaramada Midoobay. Hay’adaha gargaarka ayaa dalka sii jooga, halka UNSOS uu weli taageero ciidamada Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah ciidamada amniga Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa bayaankii lagu soo afjaray howlgalka siyaasadeed ku baaqay in la joogteeyo taageerada caalamiga ah, oo ay ku jiraan la dagaallanka Al-Shabaab iyo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah oo waarta loogu wareejiyo Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay qorsheynayaan inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inay la wareegaan afar saldhig oo ku dhow Muqdisho, xilli Uganda ay bilowday inay Soomaaliya kala baxdo ciidamo.
- Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay bilowday bixitaanka ciidamada ku joogay heshiiska labada dal.
- Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay saameynta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah.
- Bixitaanka la qorsheeyey ayaa soo afjari doona labaatan sano oo ay ciidamadeedu taageerayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Uganda ee ku saabsan bixitaanka.
- Maqaalku ma siinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan waqtiga bixitaanka ciidanka.
- Maqaalku ma caddeynayo cidda sugi doonta saldhigyada la banneynayo.
Gunaanadka akhristaha
Bixitaanka la qorsheeyey ee ciidamada Uganda ayaa si weyn u saameyn kara xaaladaha amni ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Yaa la wareegi doona saldhigyada ka dib markii ciidamadii Uganda ka baxaan?
- Maxay noqon doonaan saameynta gaarka ah ee bixitaanka ku yeelan karto amniga Soomaaliya?
- Sidee dowladda Soomaaliya u maareyn doontaa suurtagalnimada fursadaha amni ee banaan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · dhow · afar