Aqalka Sare oo Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiAqalka Sare ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha ansixinta hindise-sharciyeedka, isaga oo sheegay inuu Soomaaliya u horseedi doono inay ka qaybqaadato fagaarayaasha caalamiga ah ee looga tashado arrimaha saadaasha hawada.
- Intaas kaddib, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka, kaas oo Golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo Golaha ka horjeediyey muhiimadda hindise-sharciyeedkan, ayaa sheegay inuu nidaaminayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, gaar ahaan isku wareejinta maxaabiista xukuman iyo dhiibista dembiileyaasha.
- Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hindise-sharciyeedku saldhig u yahay hirgelinta sharciyo kale oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo la raacayo habraacyada sharci ee khuseeya.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin talaabooyinka gaarka ah ee lagu hirgelinayo hindise-sharciyadan la ansixiyey?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay.
- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha ansixinta hindise-sharciyeedka.
- Mudanaayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 10-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo lagu ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, laguna akhriyey hindise-sharciyeedyada Iskaashiga Garsoorka iyo Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.
Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaddib markii Xoghayaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Samsam Daahir Maxamuud, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka, isla markaana ay ka codsatay mudanayaasha inay meel-mariyaan. Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha ansixinta hindise-sharciyeedka, isaga oo sheegay inuu Soomaaliya u horseedi doono inay ka qaybqaadato fagaarayaasha caalamiga ah ee looga tashado arrimaha saadaasha hawada.
Intaas kaddib, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka, kaas oo Golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo Golaha ka horjeediyey muhiimadda hindise-sharciyeedkan, ayaa sheegay inuu nidaaminayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, gaar ahaan isku wareejinta maxaabiista xukuman iyo dhiibista dembiileyaasha.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hindise-sharciyeedku saldhig u yahay hirgelinta sharciyo kale oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo la raacayo habraacyada sharci ee khuseeya.
Dhinaca kale, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Golaha ka hor akhriyey hindise-sharciyeedkan, isaga oo faahfaahiyey ujeeddooyinkiisa iyo muhiimadda
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Aqalka Sare ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada. Sidoo kale, hindise-sharciyeedka Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka ayaa la soo bandhigay.
Qodobada muhiimka ah
- Aqalka Sare ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada.
- Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay.
- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha ansixinta hindise-sharciyeedka.
- Mudanaayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya senatarada laga yaabo inay diideen hindise-sharciyadan.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan habka codbixinta.
- Maqaalku ma caddeynayo talaabooyinka xiga ee ka dambeeya ansixinta hindise-sharciyadan.
Gunaanadka akhristaha
Ansixinta Aqalka Sare ee hindise-sharciyadan waxay calaamad u tahay tallaabo loo qaaday dhismaha hay'ado muhiim ah oo deegaanka ah Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin talaabooyinka gaarka ah ee lagu hirgelinayo hindise-sharciyadan la ansixiyey?
- Ma jiraan caqabado la filayo in lagu wajaho dhismaha hay'adahan?
- Maxay noqon doontaa saameynta sharciyadan ee siyaasadaha deegaanka ee hadda jira?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hay · sharciyeedka · saadaasha
Sii akhri
- Saadaasha roobka ee Puntland
Puntland Post
- Golaha Shacabka oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise-sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga ah
Shabelle Media
- 15 Hay’ad Warbaahineed oo Mareykan ah iyo Kuwo Caalami ah oo Dalbaday in La Shaaciyo Dukumentiyada Baaritaanka Guriga Ilhaan Cumar
Goobjoog Somali