Axmed Madoobe oo si adag u weeraray Xasan Sheekh
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay magaalada Kismaayo kadib salaaddii Ciidda si kulul ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka. Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Wuxu

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay magaalada Kismaayo kadib salaaddii Ciidda si kulul ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka.
Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ee dalka ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed, isaga oo ku dooday in aysan hadda jirin dowlad ay dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-goboleedyadu si buuxda ula shaqeyn karaan.
Sidoo kale, wuxuu xusay in nidaamka hadda jira uu ka baxay wadatashigii iyo is-afgaradkii hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale dhaliilay hannaanka doorashooyinka ee ay Dowladda Federaalka waddo, isaga oo qorshaha doorashada qof iyo codka ah ku tilmaamay mid aan weli hirgelin, isla markaana horseeday, sida uu yiri, “doorasho dabran” oo horay loogu sii qorsheeyo cidda xilalka qabaneysa.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan