Bandow lagu soo rogay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiBandow ayaa lagu soo rogay Baydhabo, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada, iyadoo Baydhabo ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya gudaha magaalada.
- Wasiirka ayaa sheegay in dadka ku nool Baydhabo looga baahan yahay inay u hoggaansamaan awaamiirta la xiriirta amniga, isla markaana aan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn marka la gaaro waqtiga bandowga.
- Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayuu faray inay kordhiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga gudaha Baydhabo, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xasilloonida magaalada.
- “Awaamiirtan haddii Ilaahay idmo, guud ahaan amniga ayay ku saabsan yihiin, waana in wada-shaqeyn iyo gacmo is-qabsasho lagu sugo amniga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee sababay in bandow la soo rogo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiirka Amniga ayaa sheegay in go'aanka bandowga uu qayb ka yahay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada.
- Ciidamada ammaanka ayuu faray inay kordhiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga gudaha Baydhabo.
- Bandowga ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalad amni oo kacsan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo lagu soo rogay bandow, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada, iyadoo Baydhabo ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya gudaha magaalada.
Wasiirka ayaa sheegay in dadka ku nool Baydhabo looga baahan yahay inay u hoggaansamaan awaamiirta la xiriirta amniga, isla markaana aan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn marka la gaaro waqtiga bandowga.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayuu faray inay kordhiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga gudaha Baydhabo, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xasilloonida magaalada.
“Awaamiirtan haddii Ilaahay idmo, guud ahaan amniga ayay ku saabsan yihiin, waana in wada-shaqeyn iyo gacmo is-qabsasho lagu sugo amniga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.
Wasiir Korsaar ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay u hoggaansamaan awaamiirta la soo saaray, si looga hortago falal wax u dhimi kara amniga magaalada.
Bandowga ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalad amni oo kacsan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.
Xaaladda magaalada ayaa weli si dhow loola socdaa, iyadoo ciidamada ammaanka lagu amray inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo amniga iyo kala dambeynta Baydhabo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Bandow ayaa lagu soo rogay Baydhabo, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib. Go'aankan ayaa qayb ka ah tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada.
Qodobada muhiimka ah
- Bandow ayaa lagu soo rogay Baydhabo, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
- Wasiirka Amniga ayaa sheegay in go'aanka bandowga uu qayb ka yahay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada.
- Ciidamada ammaanka ayuu faray inay kordhiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga gudaha Baydhabo.
- Bandowga ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalad amni oo kacsan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Wasiirka Amniga, Isaaq Maxamed Korsaar.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda amniga ama waxtarka bandowga.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dadka deegaanka ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Soo rogidda bandowga Baydhabo waxay muujinaysaa welwelka amni ee ka jira gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee sababay in bandow la soo rogo?
- Muddo intee le'eg ayaa bandowgu socon doonaa?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadi doono si loo dhaqan geliyo bandowga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · bandow · rogay · soo