Baydhabo oo Lagu Dhaariyey Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed
Baydhabo – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed. Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladd

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah iyo masuuliyadaha loo igmaday, iyadoo munaasabadda ay ku dhacday jawi deggan oo habsami leh.
Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayuu xubnaha la dhaariyey ugu baaqay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo wadajirka bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan