BF oo tallaabo ka qaadaya wasiirka caafimaadka kadib dhacdadii shalay + Video
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiGuddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inay tallaabo ka qaadi doonaan Wasiirka Caafimaadka kadib markii uu diiday in su'aalo toos ah laga weydiiyo Telefishinka Universal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasiirka ayaa Talaadadii diiday in Telefishinka Universal uu si toos ah u tabiyo su’aalaha ay xildhibaannadu weydiinayaan, isagoo dalbaday in la joojiyo baahinta tooska ah ee kulanka.
- Cali Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka jawaabi doonin su’aalaha xildhibaannada, haddii Telefishinka Universal uu sii wado baahinta tooska ah ee kulanka, isaga oo guddoomiyaha guddiga ka codsaday in wariyeyaasha Tv-gaas laga saaro hoolka.
- “Guddoomiye TV-ga Universal hoolka waa inay ka baxaan, haddii kale aniga su’aalaha kama jawaabayo.
- Intaas kadib waxaa maanta soo jawaabay Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay u yeeri doonaan wasiirka, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee loo qaadi doono Wasiirka Caafimaadka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Maxamed Xasan Murjaan, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji, dhacdadii shalay.
- Wasiirka Cali Xaaji ayaa diiday in Telefishinka Universal uu si toos ah u tabiyo su’aalaha ay xildhibaannadu weydiinayaan, isagoo dalbaday in la joojiyo baahinta tooska ah ee kulanka.
- Xildhibaanka ayaa sheegay in Sabtida soo socota ay u yeeri doonaan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, ayna wax ka waydiin doonaan is hortaagga uu ku sameeyay Universal TV.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji, ayna wax ka waydiin doonaan dhacdadii shalay, kadib markii uu carooday isagoo horjoogo Guddiga Adeegga Bulshada ee Baaralamaanka oo su’aallo ka waydiinayay howlaha wasaaradda.
Wasiirka ayaa Talaadadii diiday in Telefishinka Universal uu si toos ah u tabiyo su’aalaha ay xildhibaannadu weydiinayaan, isagoo dalbaday in la joojiyo baahinta tooska ah ee kulanka.
Cali Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka jawaabi doonin su’aalaha xildhibaannada, haddii Telefishinka Universal uu sii wado baahinta tooska ah ee kulanka, isaga oo guddoomiyaha guddiga ka codsaday in wariyeyaasha Tv-gaas laga saaro hoolka.
“Guddoomiye TV-ga Universal hoolka waa inay ka baxaan, haddii kale aniga su’aalaha kama jawaabayo. TV-ga wuu diidan yahay inuu joojiyo Live-ka, sidaas darteed haddii uusan baxaynin, annaga ayaa baxayna,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.
Intaas kadib waxaa maanta soo jawaabay Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay u yeeri doonaan wasiirka, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Inuu wasiir soo fariisto oo uu dhoho Idaacad hebel ha’iga baxdo aad ayaan uga xunahay sharcigana ma qabo, hay’adahan waa madax bannaan yihiin waana ka xunahay, mana ka yeeli doono tallaabo sharci ah ayaan ka qaadeynaa wasiirka,” ayuu yiri Xildhibaan Murjaan.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Warbaahinta madaxabannaan xaq ayay u leedahay wixii khaldan ayay sheegee, wixii saxana waa sheegee cid laga yeelaayana ma jirto”.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Sabtida soo socota ay u yeeri doonaan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, ayna wax ka waydiin doonaan is hortaagga uu ku sameeyay Universal TV.
“Wixii arrintaas ku kalifay Sabtiga ayuu sheegi doonaa, waxaana horkeeneynaa baarlamaanka, guddigana waa ku ballanay,” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inay tallaabo ka qaadi doonaan Wasiirka Caafimaadka kadib markii uu diiday in su'aalo toos ah laga weydiiyo Telefishinka Universal.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Maxamed Xasan Murjaan, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji, dhacdadii shalay.
- Wasiirka Cali Xaaji ayaa diiday in Telefishinka Universal uu si toos ah u tabiyo su’aalaha ay xildhibaannadu weydiinayaan, isagoo dalbaday in la joojiyo baahinta tooska ah ee kulanka.
- Xildhibaanka ayaa sheegay in Sabtida soo socota ay u yeeri doonaan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, ayna wax ka waydiin doonaan is hortaagga uu ku sameeyay Universal TV.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Wasiirka Caafimaadka ee ku saabsan eedeymaha.
- Eedeymaha ku saabsan dhacdada waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Xasan Murjaan.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhacdooyinka la sheegay ma jirto.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladdu waxay muujinaysaa xiisadaha u dhexeeya mas'uuliyiinta dowladda iyo xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee loo qaadi doono Wasiirka Caafimaadka?
- Maxay yihiin sababaha ka dambeeya diidmada Wasiirka ee su'aalaha tooska ah?
- Sidee baarlamaanka u wajahaya falalka Wasiirka Sabtiga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasiirka · tallaabo · dhacdadii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Wasiirka caafimaadka oo carooday xilli uu hortagay barlamaanka + Video
Caasimada Online
- Xogta QM oo beenisay sawirka Wasiir Cali Xaaji uu ka bixiyay xaaladda caafimaadka Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo xusuusisay Xukuumadda in 14-ka Oktoobar ay dhaqan-gelayaan qodobbada kala saaraya Xildhibaannada iyo Wasiirrada
Goobjoog Somali