Burcadbadeed Soomaali ah oo laga shakisan yahay inay afduubteen markab shidaal
Markabkan ayaa Arbacadii lagu qabtay inta u dhaxaysa magaalooyinka xeebta ah ee Hafun iyo Bandarbeyla ee gobolada Puntland isagoo ka yimid Berbera una socda caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Markabkan ayaa Arbacadii lagu qabtay inta u dhaxaysa magaalooyinka xeebta ah ee Hafun iyo Bandarbeyla ee gobolada Puntland isagoo ka yimid Berbera una socda caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), oo la socota dhacdooyinka amniga ee gobolka, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay afduubka markabka. Waxay sheegtay in koox hubeysan la wareegeen markabka.
Markabku, oo la sheegay in laga leeyahay Bakistaan, ayaa waday shixnad shidaal ah. Mas’uuliyiintu ma shaacin tirada ama jinsiyadaha shaqaalaha markabka.
Waxaa sii kordhayay walaac laga qabo dhaqdhaqaaqyada burcad-badeednimada ee ka soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, taasoo keentay cabsi laga qabo khataro sii kordhaya oo ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee marra mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan