CCW:Taageerada degdegga ah ee Turkigu u muujiyeen Xasan Sheekh waxay dirtay fariin siyaasadeed oo walaac leh
May 16(Jowhar) Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyey farriintii taageerada ahayd ee Safaaradda Turkiga ay u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, saacado uun ka dib markii uu dhammaaday muddo-xileedkiisii dastuuriga ahaa. Mr, Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in safashada Turkiga ee hal shakhsi, x

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 16(Jowhar) Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyey farriintii taageerada ahayd ee Safaaradda Turkiga ay u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, saacado uun ka dib markii uu dhammaaday muddo-xileedkiisii dastuuriga ahaa.
Mr, Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in safashada Turkiga ee hal shakhsi, xilli dalku ku jiro kala-guur siyaasadeed oo lagu muransan yahay, ay dirayso “calaamad dhalinaysa walaac aad u weyn”
“Xasilloonida Soomaaliya laguma joogtayn karo oggolaansho dibadda ka yimaada oo la siiyo muddo-xileedyo dhammaaday ama awoodda oo meel qura lagu ururiyo. Nabad iyo xasillooni waarta waxay u baahan yihiin sharciyad, is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, hay’ado lagula xisaabtami karo, iyo kalsoonida dadweynaha.”ayuu yiri Hoggaamiyaha Wadajir isagoo la hadlay Turkiga.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa xasuusiyey Turkiga in xiriirkoodu uusan noqon mid qof gaar ah ku xiran ee uu ahaado mid shacabka iyo sharciga taageeraya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan