Ciidamadii shalay weeraray Baydhabo oo ka hadlay sababta ay weerarka u qaadeen
Shalay dagaal ayaa ku dhexmaray magaalada Baydhabo ciidamo taabacsan Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gudaha magaalada.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dhagayso: Ciidamadii shalay weeraray Baydhabo oo ka hadlay sababta ay weerarka u qaadeen
Wasiirkii hore ee amniga Koonfur-galbeed ee xukumadii madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Xasan Cabduqadir oo BBC-du ay kula hadashay qadka taleefanka goor dhawayd ayaa sheegay in sababta ay shalay u weerareen Baydhabo u weerareen ay la xiriirtay goob ay ku tuhunsanaayeen in hub lagu aruuriyay oo ay doonayeen in ay xoog kula baxaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in kadib dagaalka ay si buuxda gacan ugu wada dhigeen magaalada Baydhabo, qasaare ay gaarsiiyeen ciidamada soo weeraray, sidoo kalena ay gaadiid hub saaran yahay ka reebteen.
Xasan waxa uu qadka taleefanka ugu waramay Cismaan Cabdi Xasan inaga oo waydiinay su'aalo ay ka mid yihiin in halka uu haatan ku sugan yahay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan