Daawo: Maamulka Doolow oo ku dhawaaqay inay ku shaqeynayaan amarrada Itoobiya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGuddoomiyaha Degmada Doolow ayaa ku dhawaaqay inay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya ilaa dowlad Soomaaliyeed si buuxda ula wareegto talada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Lafeey ayaa marka hore ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiira xaaladda degmada Doolow, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya, inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo si guud ula wareegta talada dalka.
- Guddoomiyaha ayaa ciidamada Itoobiya ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada deegaanka, isaga oo intaas ku daray in hadda kadib ay ku shaqeyn doonaan siyaasadoooda, ayna iska diidi doonaan wax kasta oo aysan raali ka ahayn ciidanka Itoobiya.
- “Intii dowlad Soomaaliyeed laga helayo oo awood leh oo meel kasta la wareegeysa danaheenna iyo waxa aan ku noolnahay cidna uma daba fariisaneyno annaga ayaan fiirineyno sida dadka u wanaagsan, sidoo kale Policy aysan Itoobiya raalli ka ahayn kuma shaqeyn doono,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey).
- Sidoo kale, wuxuu faray ciidamada amniga inay ixtiraamaan ciidamada Itoobiya oo uu tilmaamay inay muddo dheer ka shaqeynayeen xasilloonida gobolka, sida uu hadaka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Amar noocee ah ayaa maamulka Doolow raaci doonaa oo ka imanaya ciidamada Itoobiya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa ku dhawaaqay inay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya ilaa dowlad Soomaaliyeed si buuxda ula wareegto talada.
- Lafeey ayaa ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada deegaanka, isaga oo sheegay inay muddo dheer ka shaqeynayeen xasilloonida gobolka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo maanta kormeer ugu tegay ciidamada amniga degmadaas iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan xaaladda gobolka Gedo oo marar kala duwan ay ka dhaceen dagaallo ka dhashay siyaasadaha is-diidan ee ka jira gobolkaasi.
Lafeey ayaa marka hore ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiira xaaladda degmada Doolow, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya, inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo si guud ula wareegta talada dalka.
Guddoomiyaha ayaa ciidamada Itoobiya ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada deegaanka, isaga oo intaas ku daray in hadda kadib ay ku shaqeyn doonaan siyaasadoooda, ayna iska diidi doonaan wax kasta oo aysan raali ka ahayn ciidanka Itoobiya.
“Intii dowlad Soomaaliyeed laga helayo oo awood leh oo meel kasta la wareegeysa danaheenna iyo waxa aan ku noolnahay cidna uma daba fariisaneyno annaga ayaan fiirineyno sida dadka u wanaagsan, sidoo kale Policy aysan Itoobiya raalli ka ahayn kuma shaqeyn doono,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey).
Sidoo kale, wuxuu faray ciidamada amniga inay ixtiraamaan ciidamada Itoobiya oo uu tilmaamay inay muddo dheer ka shaqeynayeen xasilloonida gobolka, sida uu hadaka u dhigay.
“Labada ciidan waa wada dagan yihiin waxaan rabnaa in la ixtiraamo ciidamadaas walaalnimo loo muujiyo maxaa yeelay 30 sano ka badan ayay waddanka joogaan waxa ay ugu dhex jiraana waa xasilooni iyo nabad-gelyo,” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka Doolow.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan ay mar kale soo laba kacleysay xiisadda Gedo, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaaa dgemooyin ka tirsan gobolkaasi oo ay wada joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiyaha Degmada Doolow ayaa ku dhawaaqay inay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya ilaa dowlad Soomaaliyeed si buuxda ula wareegto talada.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa ku dhawaaqay inay ku shaqeyn doonaan amarrada ciidamada Itoobiya ilaa dowlad Soomaaliyeed si buuxda ula wareegto talada.
- Lafeey ayaa ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada deegaanka, isaga oo sheegay inay muddo dheer ka shaqeynayeen xasilloonida gobolka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan hadallada guddoomiyaha.
- Eedeymaha ku saabsan wada shaqeynta ciidamada Itoobiya waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada guddoomiyaha.
- Xaaladda Gedo ma laha xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Isku xirka maamulka Doolow iyo ciidamada Itoobiya ayaa su'aalo ka keenaya maamulka deegaanka iyo xasilloonida gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Amar noocee ah ayaa maamulka Doolow raaci doonaa oo ka imanaya ciidamada Itoobiya?
- Sidee ayey bulshada deegaanka uga falcelin doontaa dhawaaqan?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalanaya xiisadaha socda ee Gedo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doolow · maamulka · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada