Daawo: Mucaaradka oo shir xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday magaalada Muqdisho ayaa haatan shir xasaasi ah hoteel Jasiira kula leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka. Shirka oo goordhow furmay ayaa dhinacyadu waxay uga arrisanayaan xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa Villa Somalia iyo […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday magaalada Muqdisho ayaa haatan shir xasaasi ah hoteel Jasiira kula leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka.
Shirka oo goordhow furmay ayaa dhinacyadu waxay uga arrisanayaan xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa Villa Somalia iyo mucaaradka, maadaama illaa iyo hadda aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Odayaasha ayaa horay ula soo kulmay labada dhinac, waxayna weli wadaan dadaallo isku soo dhaweyn ah, si loo gaaro xal waaro oo muhiim ah.
Xaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeysay sii laba kacleysay, waxaana Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo iska soo horjeedo oo ay soo kala abaabuleen dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo si weyn looga dareemay caasimada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan