Daawo: Muungaab oo la garnaqsaday Saciid Deni
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa la garnaqsaday Madaxweynaha Puntland oo ay si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muungaab ayaa ku eedeeyay Saciid Deni inuu fawdo iyo rabsho ka abaabulo Muqdisho, isla markaana uu kicinayo shacabka, si [R

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa la garnaqsaday Madaxweynaha Puntland oo ay si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muungaab ayaa ku eedeeyay Saciid Deni inuu fawdo iyo rabsho ka abaabulo Muqdisho, isla markaana uu kicinayo shacabka, si ay u banaabaxaan, balse uusan rabin in la qalqalgeliyo amniga magaalooyinka waa wayn ee Puntlalnd.
“Waxaan rabaa hal odey inaan la garnaqsado oo la yiraahdo Saciid Cabdullahi Deni diyaarad ayuu Garoowe ka soo raacayaa Muqdisho ayuu imaanayaa wuxuu leeyahay reer Muqdishow mudaharaada dowladda halaga horyimaado xaafadaha ha lagala deg-dego ha su’aal haddii aan waydiiyo war inta aadan Garoowe kasoo tegin so magaalo Soomaaliyeed ma ahan? mudaharaadka maad halkaas ka sameysid Boosaaso maa ka sameysid,” ayuu yiri Muungaab.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uu suurad-xumeynayo amniga caasmada, markii uu yimaadana uusan soo dhaafin gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan