Dagaal qaraxyo waa wayn ku bilowday oo ka socda magaalada Baydhaba
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDagaal qaraar ayaa ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba oo u dhexeeya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa dowladda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Lafta-gareen ay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilowday ay kusoo qaadeen magaalada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeya labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
- Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gudaha Baydhaba laga maqlayo daryanka hubka culus iyo rasaas ay dhinacyadu is-weydaarsanayaan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka oo marar badan lagu kor dagaalamay.
- Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in ciidanka weerarka soo qaaday ay adeegsadeen diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo beegsaday xero ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib xerada ka kacay dab, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
- Afhayeenka kooxda Lafta-gareen oo lagu mgacaabo Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo muuqaal soo duubay ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay gudaha u galeen magaalada, welina uu socdo howlgalka, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tirakoobka khasaaraha ee dagaalka socda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo beegsaday xero ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada.
- Afhayeenka kooxda Lafta-gareen ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, welina uu socdo howlgalka.
- Dadka deegaanka ayaa lagu wargeliyay in aysan bannaanka usoo bixin inta uu socdo howlgalka, si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka haatan socda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal qaraar uu ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Lafta-gareen ay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilowday ay kusoo qaadeen magaalada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeya labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gudaha Baydhaba laga maqlayo daryanka hubka culus iyo rasaas ay dhinacyadu is-weydaarsanayaan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka oo marar badan lagu kor dagaalamay.
Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in ciidanka weerarka soo qaaday ay adeegsadeen diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo beegsaday xero ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib xerada ka kacay dab, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Afhayeenka kooxda Lafta-gareen oo lagu mgacaabo Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo muuqaal soo duubay ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay gudaha u galeen magaalada, welina uu socdo howlgalka, sida uu hadalka u dhigay.
“Geesiyaasha Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa agta mariyey fadhiisimo ay ku suganaayen maleeshiyaadka Salbalaar iyo Af-Balaar, iyagoo sidoo kale la wareegay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo. Howlgalka dib-u-xoreynta koonfur galbeed ayaa socda,”ayuu yiri afhayeenku.
Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay in aysan bannaanka usoo bixin, isla markaana ay ku nagaadaan guryahooda, inta uu socdo howlgalka, si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka haatan socda.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda oo ku aadan dagaalka ka socda magaalada Baydhaba.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaal qaraar ayaa ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba oo u dhexeeya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa dowladda.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaal qaraar ayaa ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba oo u dhexeeya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa dowladda.
- Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo beegsaday xero ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada.
- Afhayeenka kooxda Lafta-gareen ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, welina uu socdo howlgalka.
- Dadka deegaanka ayaa lagu wargeliyay in aysan bannaanka usoo bixin inta uu socdo howlgalka, si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaalka haatan socda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo wax jawaab ah oo ka yimid mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ama ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalka socda.
- Eedeymaha ku saabsan isticmaalka diyaaradaha drone iyo xaaladda Baydhaba waxay ku saleysan yihiin hadallo ka yimid afhayeenka Lafta-gareen.
- Tirakoobka khasaaraha ama saameynta gaarka ah ee shacabka lama soo sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Baydhaba ayaa kacsan, iyadoo dagaallo socda iyo digniino loo dirayo dadka deegaanka si ay guryahooda ugu jiraan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tirakoobka khasaaraha ee dagaalka socda?
- Sidee ayey dadka deegaanka u saameynayaan khilaafka?
- Maxay dowladda ka qaban doontaa kororka dagaalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dagaal · baydhaba · magaalada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada