Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarasho ka Helay Japan
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiDanjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayDanjire Jabriil oo kulan sagootin iyo dhiirrigelin ah la qaatay ardayda ayaa sheegay in fursadaha noocan ah ay muhiim u yihiin kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya hay’adaha dowladda iyo maamulka deegaanka.
- Cidda ay saamaysayWaxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta iyo khibradda ay ka soo kororsadaan waxbarashada dibadda uga faa’iideeyaan dalkooda iyo bulshadooda.
- Cidda ay saamaysayDanjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada iyo fursadaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka helayaan dalalka caalamka.
- Cidda ay saamaysay“Waxaan ugu mahadcelinaynaa dalka Japan taageerada waxbarasho ee ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsaday xulashada deeqda waxbarasho?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay taageerada iyo garab istaagga ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed.
- Danjire Jabriil oo kulan sagootin iyo dhiirrigelin ah la qaatay ardayda ayaa sheegay in fursadaha noocan ah ay muhiim u yihiin kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Danjire Jabriil ayaa sheegay in ay tahay markii labaad muddo laba bilood gudahood ah oo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay sagootiso arday Soomaaliyeed oo u ambabaxaya dalka Japan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi, Kenya – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay taageerada iyo garab istaagga ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, iyadoo ku dhiirrigelinaysa inay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho, tababarrada iyo kobcinta aqoonta ee ay ka helayaan dalalka caalamka.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan. Kulanka sagootinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahayd Marwo Tsukishima Ayane, oo wakiil ka ah Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Japan (JICA) ee Kenya.
Danjire Jabriil oo kulan sagootin iyo dhiirrigelin ah la qaatay ardayda ayaa sheegay in fursadaha noocan ah ay muhiim u yihiin kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya hay’adaha dowladda iyo maamulka deegaanka.
Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta iyo khibradda ay ka soo kororsadaan waxbarashada dibadda uga faa’iideeyaan dalkooda iyo bulshadooda. Labadan arday oo ka mid ah dufcaddii ugu dambeysay ee sanadkan u ambabaxaysa dalka Japan ayaa uga mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya fududeynta safarkooda iyo garab istaagga ay u muujisay, gaar ahaan Danjire Jabriil iyo dhammaan diblomaasiyiinta Safaaradda.
Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada iyo fursadaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka helayaan dalalka caalamka. Waxa uu sheegay in ay soo kordhayso kalsoonida lagu qabo ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada dibadda u aada, isla markaana dalkooda dib ugu soo laabta, taas oo uu sheegay inay dhiirrigelisay dalal badan inay deeqo waxbarasho siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu mahadcelinaynaa dalka Japan taageerada waxbarasho ee ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed. Waxaa iyagana mudan in aan ku ammaanno dadaalka ay muujiyeen ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo deeqda waxbarasho ku helay tartan iyo imtixaanno ay galeen,” ayuu yiri Danjire Jabriil. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay markii labaad muddo laba bilood gudahood ah oo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay sagootiso arday Soomaaliyeed oo u ambabaxaya dalka Japan.
Waxa uu xusay in qaar ka mid ah ardaydii hore uga faa’iideystay fursadaha noocan ah ay soo dhammaysteen waxbarashadoodii, isla markaana ay maanta ka shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, halka qaar kalena ay weli waxbarashadooda ka sii wataan dalka Japan.
Danjire Jabriil ayaa sheegay in fursadaha noocan ahi ay muujinayaan kartida, dadaalka iyo awoodda ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa helaya fursadaha ay wax kaga bartaan jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada ee dalalka kala duwan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan. Dhacdadan ayaa muujinaysa taageerada joogtada ah ee safaaradda ay u hayso ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed.
Qodobada muhiimka ah
- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan.
- Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay taageerada iyo garab istaagga ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed.
- Danjire Jabriil oo kulan sagootin iyo dhiirrigelin ah la qaatay ardayda ayaa sheegay in fursadaha noocan ah ay muhiim u yihiin kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Danjire Jabriil ayaa sheegay in ay tahay markii labaad muddo laba bilood gudahood ah oo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay sagootiso arday Soomaaliyeed oo u ambabaxaya dalka Japan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ardayda ama dhinacyada kale.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda fursadaha waxbarasho waxay ku saleysan yihiin hadallada danjiraha.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta deeqda waxbarasho ama asalka ardayda lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya waxay si firfircoon u dhiirrigelinaysaa fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ee dibadda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsaday xulashada deeqda waxbarasho?
- Imisa arday ayaa guud ahaan ka faa'iideystay deeqdan waxbarasho?
- Maxay taageero heli doonaan ardaydu inta ay ku jiraan waxbarashada Japan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · kenya · soomaaliyeed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada