DEG DEG: Madaxii amniyaatdka Al-Shabaab iyo maskaxdii qaraxii Zoobe oo la dilay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiBashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa madaxii hore ee laanta sirdoonka iyo amniga ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay degmada Jilib 1-da October 2026, sida ay sheegtay NISA.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- NISA ayaa sheegtay in Bashiir lagu dilay howlgal qorsheysan oo habeenkii 1-da October 2026 ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo howlgalkaas ay hay’addu sheegtay inay kala kaashatay saaxiibbo caalami ah.
- Hay’addu ma aysan shaacin cidda ay ahaayeen saaxiibbadaas, sidoo kalena faahfaahin kama aysan bixin qaabka loo fuliyey howlgalka.
- NISA ayaa sheegtay in Bashiir Axmed Xaaji Nuunow uu madax ka ahaa qeybta Amniyaadka ee Al-Shabaab intii u dhexeysay 2016 iyo 2024, isla markaana uu adeegsan jiray magacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
- Jilib ayaa muddo dheer loo arkaa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Al-Shabaab, halkaas oo kooxda ay ku leedahay hoggaan, maamul iyo kaabayaal ciidan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay doorka gaarka ah ee Bashiir uu ku lahaa weerarrada la xusay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa madaxii hore ee laanta sirdoonka iyo amniga ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay degmada Jilib 1-da October 2026.
- NISA ayaa Bashiir ku eedeysay inuu door weyn ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro lagu bartilmaameedsaday shacabka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto weerarkii qaraxa gaariga xamuulka ahaa ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Mu
- Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2022 magaca Yusuf Ahmed Hajji Nurow, oo sidoo kale loo yaqaan Gees Cadde, ku sheegtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay degmada Jilib ku dishay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ay ku tilmaantay madaxii hore ee laanta sirdoonka iyo amniga ee Al-Shabaab, laguna eedeeyey inuu ku lug lahaa qaar ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Soomaaliya.
NISA ayaa sheegtay in Bashiir lagu dilay howlgal qorsheysan oo habeenkii 1-da October 2026 ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo howlgalkaas ay hay’addu sheegtay inay kala kaashatay saaxiibbo caalami ah.
Hay’addu ma aysan shaacin cidda ay ahaayeen saaxiibbadaas, sidoo kalena faahfaahin kama aysan bixin qaabka loo fuliyey howlgalka.
NISA ayaa sheegtay in Bashiir Axmed Xaaji Nuunow uu madax ka ahaa qeybta Amniyaadka ee Al-Shabaab intii u dhexeysay 2016 iyo 2024, isla markaana uu adeegsan jiray magacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
Jilib ayaa muddo dheer loo arkaa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Al-Shabaab, halkaas oo kooxda ay ku leedahay hoggaan, maamul iyo kaabayaal ciidan.
Doorkii Amniyaadka
Amniyaadka ayaa ah mid ka mid ah laamaha ugu awoodda badan uguna qarsoon Al-Shabaab, waxayna qaabilsan yihiin sirdoonka, dabagalka, dilalka qorsheysan iyo hawlgallada qarsoon ee kooxda.
Hase yeeshee, magaca ay NISA u adeegsatay ninka ay sheegtay in la dilay ayaa ka duwan magaca hore loogu diiwaangeliyey mas’uulka Al-Shabaab ee loo yaqaan Geescadde.
Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2022 magaca Yusuf Ahmed Hajji Nurow, oo sidoo kale loo yaqaan Gees Cadde, ku sheegtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab, iyadoo ku eedeysay inuu door weyn ku lahaa qorsheynta weerarro ismiidaamin iyo dilal.
Liis cunaqabateyn ah oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay sanadkii 2024 ayaa sidoo kale magaca Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow, oo loo yaqaan Geescadde iyo Bishaar, ku sheegay madaxii Amniyaadka.
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sanadkan ayaa iyaduna magacan u adeegsatay Yusuf Ahmed Haji Nurow, oo loo yaqaan Gees Adde, iyadoo sheegtay in horraantii 2025 xilka Amniyaadka lagu beddelay Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil.
NISA ayaa war-saxaafadeedkeeda Talaadada ku sheegtay magaca Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, iyadoo isla markaana Geescadde ku dartay magacyada uu adeegsan jiray.
Saraakiisha iyo xubnaha Al-Shabaab ayaa inta badan adeegsada magacyo badan iyo magacyo dagaal, waxaana sidoo kale marar badan kala duwanaada qaabka magacyada Soomaalida ama Carabiga loogu qoro luqadaha kale.
Sidaas darteed, kala duwanaanshaha magacyadu wuxuu noqon karaa magac kale oo uu adeegsan jiray ama qaab kale oo magaca loo qoray, balse NISA faahfaahin kama aysan bixin arrintaas, mana jiraan xog la heli karo oo si cad u xaqiijineysa in dhammaan magacyadaasi ay isku qof yihiin.
Weerarkii 14-ka October
NISA ayaa Bashiir ku eedeysay inuu door weyn ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro lagu bartilmaameedsaday shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addu waxay si gaar ah ugu dartay weerarkii qaraxa gaariga xamuulka ahaa ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho, kaas oo noqday weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.
Ugu yaraan 587 qof ayaa lagu dilay qaraxaas, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Al-Shabaab si rasmi ah mas’uuliyadda qaraxaas uma aysan sheegan, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa kooxda ku eedeysay inay ka dambeysay.
NISA ayaa sidoo kale Bashiir ku xiriirisay qaraxii December 2019 ee Ex-Control Afgooye, oo ay ku dhinteen in ka badan 90 qof, iyo qaraxyadii mataanaha ahaa ee October 2022 ka dhacay agagaarka Wasaaradda Waxbarashada ee Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 121 qof.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labada weerar ee Ex-Control Afgooye iyo Zoobe 2.
NISA ayaa intaas ku dartay in Bashiir uu sidoo kale ku lug lahaa weerarro lagu qaaday hoteello iyo goobo kale oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin weerarrada ay tilmaameyso ama doorka gaarka ah ee uu ku lahaa.
Hay’addu waxay dilkiisa ku tilmaantay “dharbaaxo” ku dhacday hoggaanka iyo shabakadaha weerarrada ee Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto baacsiga madaxda sare ee kooxda ee lagu eedeeyo qorsheynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah shacabka.
Dilka ay NISA sheegtay inuu ka dhacay Jilib ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo xubnaha sare iyo saldhigyada Al-Shabaab ee koonfurta dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa madaxii hore ee laanta sirdoonka iyo amniga ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay degmada Jilib 1-da October 2026, sida ay sheegtay NISA.
Qodobada muhiimka ah
- Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa madaxii hore ee laanta sirdoonka iyo amniga ee Al-Shabaab, ayaa lagu dilay degmada Jilib 1-da October 2026.
- NISA ayaa Bashiir ku eedeysay inuu door weyn ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro lagu bartilmaameedsaday shacabka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto weerarkii qaraxa gaariga xamuulka ahaa ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Mu
- Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2022 magaca Yusuf Ahmed Hajji Nurow, oo sidoo kale loo yaqaan Gees Cadde, ku sheegtay madaxii Amniyaadka Al-Shabaab.
- Hay’addu ma aysan shaacin cidda ay ahaayeen saaxiibbadaas.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay kaliya bayaanada NISA iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- NISA ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan saaxiibbada caalamiga ah ee ka qayb qaatay howlgalka.
- Ma jiro jawaab ka timid Al-Shabaab oo ku saabsan eedeymaha NISA.
Gunaanadka akhristaha
NISA waxay sheegtay inay dishay qof muhiim ah oo ka tirsan amniga Al-Shabaab, laakiin faahfaahinta weli ma cadda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay doorka gaarka ah ee Bashiir uu ku lahaa weerarrada la xusay?
- Yaa ahaa saaxiibbada caalamiga ah ee ka qayb qaatay howlgalka?
- Sidee NISA u xaqiijisaa aqoonsiga dadka leh magacyo badan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · shabaab · madaxii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada