DF oo ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba + Sawirro
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday halkaasi.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan, maadaama ay dhammaysteen tababarkood, wuxuuna u jeediyay dardaaran culus.
- Ugu horreyn taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha tababarka gacanta ku haya, isaga oo sidoo kale wax ka weydiiyay tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo cusub kusoo bandhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday halkaasi.
Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan, maadaama ay dhammaysteen tababarkood, wuxuuna u jeediyay dardaaran culus.
Ugu horreyn taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha tababarka gacanta ku haya, isaga oo sidoo kale wax ka weydiiyay tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray.
Sidoo kale, wuxuu ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen, wuxuuna kula dardaarmay inay noqdaan kuwo daacad ah oo u heellan gudashada waajibaadkooda qaran.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkan waday dadaallo lagu tayaynayo ciidamada, si ay u yeeshaan awood iyo diyaar-garow ku filan si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.
Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xiisad culus ay ka taagan tahay Baydhaba, taas oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore e Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan goobihii laga dagaalamay, taas oo suuragal ka dhigeysa inuu mar kale qarxo dagaalka, culaysna ku noqneysa shacabka ku dhaqan halkaasi.
Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo diyaaradeed oo qaar kamid ah saaxibada caalamiga ah ka fulinayaan aagga magaalada Baydhaba, iyada oo lala beegsanayo ciidamada ku sugan halkaas iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
The post DF oo ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba ka dib markii ay dhammaysteen tababarkood. Taliyaha ciidanka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku sameeyay ciidamadan wuxuuna u jeediyay dardaaran culus.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo cusub kusoo bandhigtay Baydhaba ka dib markii ay dhammaysteen tababarkood.
- Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan, maadaama ay dhammaysteen tababarkood, wuxuuna u jeediyay dardaaran culus.
- Ugu horreyn taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha tababarka gacanta ku haya, isaga oo sidoo kale wax ka weydiiyay tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada ku lugta leh xiisadaha ka jira Baydhaba.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiin dowladda iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Tirooyinka khasaare ama faahfaahin gaar ah oo ku saabsan xiisadaha socda lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Soo bandhigidda ciidamo cusub oo ku sugan Baydhaba iyadoo xiisad korodhay ay jirto waxay muujinaysaa caqabadaha amni ee socda ee gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Tababarka gaarka ah ee ciidamadan cusub ma yahay?
- Maxaa la sameynayaa si loo xalliyo xiisadaha ka jira Baydhaba?
- Ma jiraan wax jawaab ah oo caalami ah oo ku saabsan xaaladda Baydhaba?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baydhaba · ciidamo · kusoo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada