Masar oo sheegtay in ay garab taagan tahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Masar ayaa sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta iyo tayeynta awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhaqan-geliyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo heshiisyadii hore ee u dhexeeyay dowladaha Qaahira iyo…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Masar ayaa sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta iyo tayeynta awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhaqan-geliyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo heshiisyadii hore ee u dhexeeyay dowladaha Qaahira iyo Muqdisho.
Masar ayaa tilmaantay in iskaashiga labada dal uu diiradda saarayo tababarka ciidamada, kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta militari ee Soomaaliya.
Qorshahan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dhisayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ciidamada qaranku ay u yeeshaan awood dheeraad ah oo ay kula tacaalaan caqabadaha amni ee dalka.
Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay xiriirkooda dhinaca difaaca iyo amniga, iyadoo labada dowladood ay hore u kala saxiixdeen heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga militari iyo tababarka ciidamada.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.
The post Masar oo sheegtay in ay garab taagan tahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed appeared first on Raxanreeb Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xoogga · sheegtay · tahay