Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday olole ballaaran oo ay uga hortagayso…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, xilli uu cudurkan saameyn xooggan ku yeeshay qaar kamid ah dalalka dhaca qaaradda Afrika. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga digtay halista cudurkaasi iyo suurtagalnimada inuu ku faafo dalalka gobolka. Wasaaradda ayaa sheegtay in la xoojiyay […]

SO
DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday olole ballaaran oo ay uga hortagayso…
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, xilli uu cudurkan saameyn xooggan ku yeeshay qaar kamid ah dalalka dhaca qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga digtay halista cudurkaasi iyo suurtagalnimada inuu ku faafo dalalka gobolka. Wasaaradda ayaa sheegtay in la xoojiyay tallaabooyinka ka hortagga iyo baaritaanka dadka looga shakiyo cudurka Ebola, iyadoo Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho loo asteeyay xarunta ugu weyn ee lagu baarayo kiisaska looga shakiyo cudurkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo looga shakiyo cudurka Ebola lagu sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lagu xaqiijinayo inuu cudurka qabo iyo in kale, si looga hortago faafitaanka xanuunkaasi halista ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dardargelinayo dadaallada wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nidaamka caafimaadka, si loo yareeyo qatarta cudurka Ebola oo horey u galaaftay nolosha dad badan oo ku nool dalal kala duwan oo Afrika ah.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldhawaaqdayololeballaaran
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.