Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Dufcadda 12-aad Ee Kumaandooska Danab Oo Tababar Looga Furay Bali-doogle

Bali-doogle, Soomaaliya — Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo dugsiga tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle. Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Taliska Tababarrada

SO
Dufcadda 12-aad Ee Kumaandooska Danab Oo Tababar Looga Furay Bali-doogle
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Bali-doogle, Soomaaliya — Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo dugsiga tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka CXDS Janaraal Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) iyo Ciidamada Uganda ee UPDF.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, ayaa dufcadda cusub ku dhiirrigeliyay inay ka dhabeyaan hadafkooda, isaga oo tilmaamay in la siin doono tababaro heer sare ah oo sare u qaadaya awooddooda ciidanimo iyo xirfadaha dagaal.

Dhankiisa, Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka CXDS Janaraal Axmed Ciise Axmed ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan aqoon iyo karti leh oo si buuxda uga qeyb qaata sugidda amniga dalka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralaadkumaandooskadoogle
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.