Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo ka qeyb galay gabagabada Shirkii Madrid ee La-dagaallanka Argagixisada Afrika
Madrid – Spain: Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirkii caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain. Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu […]

Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar ayaa ka qeyb galay gabagabada shirkii caalamiga ahaa ee Madrid ee la-dagaallanka argagixisada Afrika.
Maxaa la shaaciyey
- Shirku wuxuu diiradda saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Afrika iyo beesha caalamka ee la dagaallanka argagixisada.
- Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah.
- Ergeyga Gaarka ah ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain taageerada ay siineyso dadaallada caalamiga ah ee amniga.
Macnaha guud
Shirkan ayaa ka dhacay Madrid si loo xoojiyo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada Afrika.
“Ugu dambeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo iskaashiga Afrika.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madrid – Spain: Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirkii caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain.
Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Afrika iyo beesha caalamka ee la xiriira la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga fiditaanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Intii uu shirka socday, Ergeyga Gaarka ah ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah, isagoo la wadaagay khibradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xakameynayo fiditaanka fikradaha xagjirka ah.
Ugu dambeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalka dunida.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan