Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hanjabaadda Saadaq Joon
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hanjabaad kasoo yeertay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo xalay soo saaray digniin siyaasadeed oo culus. Saadaq Joon oo sidoo kale ah sarkaal xilal kala duwan soo qabtay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda […] The post Fal-celin aan caadi ahayn oo ka

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hanjabaad kasoo yeertay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo xalay soo saaray digniin siyaasadeed oo culus.
Saadaq Joon oo sidoo kale ah sarkaal xilal kala duwan soo qabtay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.
“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu yiri Saadaq Joon.
Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan