Geed Fadhi wuxuu ku socdaa waddada Hanoolaato
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka hadlayaa kororka Geed Fadhi oo noqday madal caan ah oo loogu talagalay waraysiyada siyaasadda Soomaaliya iyo hoos u dhaca madasha Hanoolaato oo uu maamulo Ayaanle Xuseen.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Labada soo-jeediye, Cabdikariin Cali Kaar iyo Cabdi Nuur, waxay ka soo shaqeeyeen Villa Somalia.
- Hanoolaato, oo uu maamulo Ayaanle Xuseen, waxay hoos ugu dhacday sababo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: 1- Sida Ayaanle uu wax ugu dhex darsado hadalka qofka uu waraysanayo, 2- sida uu iskugu dayo inuu hago qofka la waraysanayo.
- Waa wax laga xumaado in Cabdi Nuur bog ka soo jeexday buugga Hanoolaato, markuu isku dayay inuu hadal afka u geliyo Danjire Salaad Cali Jeelle oo ka warramayay dagaal 2007 ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray xoogaggii Muqaawimada iyo ciidammadii Itoobiya oo taageerayay dowladda federaalka.
- Daawashada waraysiga Geed Fadhi la yeelatay Salaad Cali Jeelle wuu ka badan yahay lix jeer lix fiidiyow oo Hanoolaato ah 12kii maalmood ugu dambeeyay.
Sida ay sheegtay Puntland Post
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha gaarka ah ee keenay hoos u dhaca madasha Hanoolaato?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Geed Fadhi wuxuu noqday madal caan ah oo loogu talagalay waraysiyada siyaasadda Soomaaliya.
- Waraysiyadu ee Geed Fadhi waxaa lagu xusay qaabkooda xiisaha leh iyo qoto dheer.
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa hoos u dhaca madasha Hanoolaato iyo maamulkeeda Ayaanle Xuseen.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Garoowe (Faallo PP) — Dad badani waxa ay isa su’aalaan sababta Geed Fadhi u noqotay madasha waraysiyada siyaasadda Soomaaliya ugu caansan uguna hadal-haynta badan.
Labada soo-jeediye, Cabdikariin Cali Kaar iyo Cabdi Nuur, waxay ka soo shaqeeyeen Villa Somalia. Waxa waraysiyadooda ka dhigay kuwo aad loo xiiseeyo waa xog-ogaalnimadooda iyo sida ay waqti u siiyaan qofka la waraysanayo inuu ka hadlo xusuustiisa ama dhiibto ra’yigiisa.
Hanoolaato, oo uu maamulo Ayaanle Xuseen, waxay hoos ugu dhacday sababo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: 1- Sida Ayaanle uu wax ugu dhex darsado hadalka qofka uu waraysanayo, 2- sida uu iskugu dayo inuu hago qofka la waraysanayo. Hadduu Ayaanle ku waraysan rabo, ka sii afeefo inaadan ka jawaabaynin su’aalo xambaarsan farriimmo uu isagu leeyahay.
Waa wax laga xumaado in Cabdi Nuur bog ka soo jeexday buugga Hanoolaato, markuu isku dayay inuu hadal afka u geliyo Danjire Salaad Cali Jeelle oo ka warramayay dagaal 2007 ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray xoogaggii Muqaawimada iyo ciidammadii Itoobiya oo taageerayay dowladda federaalka. “Habargidir dheh” ayuu Cabdi Nuur ku yiri Salaad. Salaad wuxuu sheegay in dadka barakcay ay u badnaayeen beesha Abgaal iyo in Shariif Sheekh Axmed hoggaaminayay Muqaawamada (wax iska caabbinta).
Daawashada waraysiga Geed Fadhi la yeelatay Salaad Cali Jeelle wuu ka badan yahay lix jeer lix fiidiyow oo Hanoolaato ah 12kii maalmood ugu dambeeyay. Waraysiyada Geed Fadhi badankood waxay abuuraan doodo iyo sixitaan, waxayna noqon karaa tixraac taariikheed.
Cabdi Nuur wuxuu sameeyay ilduuf la mid ah kii uu Cabdulqaadir Oromo sameeyey markii uu qoray buug cinwaankiisu yahay Taangiga Tigreega. Dad badan oo ka soo horjeeday maamulkii Cabdullaahi Yuusuf waxay aamminsanaayeen in Tigree uu soo weeraray Soomaaliya. Wixii gaboodfal oo dhacay uma haystaan Itoobiya. Waxay aamminsan yihiin in Habargidir iyo Tigree ku dhex dagaallameen Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in Ahlu Sunna Wal Jamaaca ahaa urur Itoobiya ay samaysay. Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo 2009kii difaacayay sababta uu u taageersanaa urur Itoobiya taageerto, wuxuu ku jawaabay: “Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Ruush iyo Maraykan oo kala mabda’ ah ayaa isla jiray oo ka horjeeday Hitler.”
Haddii doodda Cabdi Nuur iyo Cabdulqaadir Oromo la qaato, waxay noqonaysaa in ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) uu ahaa urur beeleed markii dambe la heshiiyay Itoobiya si xukunka looga tuuro Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Danjire Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in Galbeedka oo ammaan iyo bogaadin laga raadsado adigoo wada dagaal diimeed ay yihiin labo aan la isgali karin.
Kooxihii 20 sano ka hor abaabulay dagaallada diimeed weli ka socda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa koox diinta ku gaaraysay ujeeddooyin siyaasadeed sida ka muuqata marka ay abtirsiinyo beeleed siinayaan dagaalladii Muqdisho ka dhacay 2007-2009, ka hor inta aysan ciidammada Itoobiya ka bixin Soomaaliya billowgii 2009kii.
© Puntland Post, 2026
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa kororka Geed Fadhi oo noqday madal caan ah oo loogu talagalay waraysiyada siyaasadda Soomaaliya iyo hoos u dhaca madasha Hanoolaato oo uu maamulo Ayaanle Xuseen.
Qodobada muhiimka ah
- Geed Fadhi wuxuu noqday madal caan ah oo loogu talagalay waraysiyada siyaasadda Soomaaliya.
- Waraysiyadu ee Geed Fadhi waxaa lagu xusay qaabkooda xiisaha leh iyo qoto dheer.
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa hoos u dhaca madasha Hanoolaato iyo maamulkeeda Ayaanle Xuseen.
- Faallooyinka Cabdi Nuur intii lagu jiray waraysi ayaa kiciyay doodo ku saabsan dhacdooyinka taariikheed ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada ku saabsan caanimada Geed Fadhi.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Ayaanle Xuseen oo ku saabsan dhaleeceynta madasha Hanoolaato.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay ra'yiga waraysiyayaasha mana jiraan aragtiyo dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Geed Fadhi ayaa helaya aqoonsi ku saabsan waraysiyadiisa siyaasadeed ee xiisaha leh, halka Hanoolaato ay la kulmeyso hoos u dhac ku saabsan muhiimadda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha gaarka ah ee keenay hoos u dhaca madasha Hanoolaato?
- Sidee bay daawadayaasha u arkaan farqiga u dhexeeya Geed Fadhi iyo Hanoolaato?
- Maxay saameyn ku leeyihiin madalahaasi doodaha siyaasadeed ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · fadhi · geed · wuxuu