Golaha Shacabka oo Soo Gabagabeeyay Doodda Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada Turkiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kana tirsanaa kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 22-aad, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
- Ugu horreyn, xildhibaannadu waxay sii ambaqaadeen doodda akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130, kaas oo soo baxay 22-kii Abriil 2012, isla markaana ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
- Xildhibaannada ayaa ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.
- Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo mudanayaashu ay ka doodeen muhiimadda heshiisyadaasi u leeyihiin dalka.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddellada gaarka ah ee lagu soo jeediyay wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe.
- Kulanka ayaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
- Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 xildhibaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kana tirsanaa kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 22-aad, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 xildhibaan.
Ugu horreyn, xildhibaannadu waxay sii ambaqaadeen doodda akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130, kaas oo soo baxay 22-kii Abriil 2012, isla markaana ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaannada ayaa ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.
Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo mudanayaashu ay ka doodeen muhiimadda heshiisyadaasi u leeyihiin dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka gudbeen marxaladda akhrinta labaad.
Guddoomiyuhu wuxuu faray guddiyada ku shaqada leh inay diyaariyaan warbixinnada akhrinta saddexaad, kadibna dib ugu soo celiyaan Golaha Shacabka, si loo sii ambaqaado habraaca sharci-dejinta loona guto waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamaanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada Turkiga.
Qodobada muhiimka ah
- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe.
- Kulanka ayaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
- Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 xildhibaan.
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada iskaashiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka gudbeen marxaladd
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku wuxuu ku saleysan yahay bayaanno ka yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka mana bixinayo ilo kale.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Shacabka ayaa dhameystiray tallaabo sharciyeed muhiim ah oo ku saabsan Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada caalamiga ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddellada gaarka ah ee lagu soo jeediyay wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe?
- Maxay yihiin cawaaqibka heshiisyada la leh Turkiga?
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka xiga ee habka sharci-dejinta?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · economy · economy · golaha · gabagabeeyay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada