Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Guuldarrada damacii Mahad Salaad iyo doollarka Liibaan

Siyaasadda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaan isbeddelka ka dhici kara hoggaanka Galmudug, ayaa maraysa marxalad xasaasi ah. Arrintan ayaa dhalisay khilaaf siyaasadeed oo ka taagan cidda noqonaysa Madaxweynaha Galmudug iyo hannaanka doorashada la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb. Muranka iyo khilaafka la xiriira mustaqbalka Galmudug wuxuu u dhexeeyaa dhowr dhinac oo saameyn weyn ku leh […]

SO
Guuldarrada damacii Mahad Salaad iyo doollarka Liibaan
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Siyaasadda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaan isbeddelka ka dhici kara hoggaanka Galmudug, ayaa maraysa marxalad xasaasi ah. Arrintan ayaa dhalisay khilaaf siyaasadeed oo ka taagan cidda noqonaysa Madaxweynaha Galmudug iyo hannaanka doorashada la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Muranka iyo khilaafka la xiriira mustaqbalka Galmudug wuxuu u dhexeeyaa dhowr dhinac oo saameyn weyn ku leh siyaasadda maamulkaas iyo guud ahaan Soomaaliya. Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in xilka laga dhaafiyo Axmed Qoorqoor, oo hadda kursiga ku fadhiya, laguna beddelo musharrax ay xulafo dhow yihiin madaxweynaha, ayaa dhaliyay muran iyo khilaaf horleh. Arrintaas waxaa dood adag ka keenay saaxiib kale oo madaxweynaha ku dhow.

Mahad Salaad, oo isna saaxiib dhow la ah madaxweynaha, wuxuu hore u lahaa damac ah inuu qabto kursiga Galmudug. Hase ahaatee, dookha koowaad ee Madaxweyne Xasan ayaa noqday Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaanno Liibaan Shuluq. Kadib maalmo dood adag ah oo dhinacyo kala duwan ay isku hayeen arrintan, waxaa hadda muuqata in lagu kala adkaaday, isla markaana damacii Mahad Salaad uu ka awood badiyay ganacsadaha iyo siyaasiga uu Madaxweyne Xasan u arko mashiin wadi kara damaciisa fog.

Madaxweynaha hadda talada haya ee Galmudug, Axmed Qoorqoor, ayaa si cad uga hor yimid isku dayada madaxtooyada ay ku doonayso inay keligeed go’aan uga gaarto masiirka doorashada Galmudug. Qoorqoor ayaa khudbad uu dhowaan jeediyay ku sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho loo siman yahay, oo ku dhisan wada-tashi iyo is-qancin. Wuxuu ka digay in koox gaar ah ay meel gaar ah wax ku goosato.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralguuldarradadoollarkadamacii
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.