Ilhaan Cumar oo jawaab kulul soo saartay kadib baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiIlhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ilhaan ayaa qoraal ay Isniintii soo dhigtay barteeda X ku sheegtay inay nabad qabto, balse waxay hawlgalka ku tilmaantay tallaabo cusub oo ka mid ah olole siyaasadeed oo Trump uu muddo toban sano ah ku hayey.
- “Ha ku khaldamin, tani waa isku day lagu bartilmaameedsanayo dadka siyaasadda lagu kala aragtida duwan yahay, looguna adeegsanayo hay’adaha fulinta sharciga federaalka,” ayay tiri Ilhaan.
- “Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu bartilmaameedsanayey been abuur aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad dil ah.
- “Ma aamusi doono,” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee lagu baarayo Ilhaan Cumar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC.
- Ilhaan Cumar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta iyo bartilmaameedsiga dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in hawlgalka lagu fuliyey ogolaansho maxkamadeed, isla markaana uu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta iyo bartilmaameedsiga dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
Ilhaan ayaa qoraal ay Isniintii soo dhigtay barteeda X ku sheegtay inay nabad qabto, balse waxay hawlgalka ku tilmaantay tallaabo cusub oo ka mid ah olole siyaasadeed oo Trump uu muddo toban sano ah ku hayey.
“Ha ku khaldamin, tani waa isku day lagu bartilmaameedsanayo dadka siyaasadda lagu kala aragtida duwan yahay, looguna adeegsanayo hay’adaha fulinta sharciga federaalka,” ayay tiri Ilhaan.
“Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu bartilmaameedsanayey been abuur aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad dil ah. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojineysa ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed,” ayay raacisay.
“Ma aamusi doono,” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay.
Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa isaguna soo saaray bayaan uu hawlgalka ku cambaareeyey, kuna tilmaamay ku takrifal awoodeed oo aan hore loo arag, kaas oo lagu adeegsanayo hay’adaha federaalka si loo beegsado dadka siyaasadda ku mucaaradsan Trump.
Afhayeenka xildhibaanadda, Jacklyn Rogers, ayaa sheegtay in Trump uu muddo dheer Ilhaan ku hayey weerarro afka ah oo halis geliyey ammaankeeda, balse hadda uu arrinta gaarsiiyey heer ciidamada federaalka ay baaraan gurigeeda.
“Xildhibaanaddu wax dembi ah ma gelin. Madaxweyne kasta waa inaan loo oggolaan inuu awoodda dowladda federaalka u adeegsado cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Baaritaanka iyo eedeymaha jira
Jawaabaha Ilhaan ayaa yimid saacado kaddib markii ciidamada hay’adda Homeland Security Investigations (HSI) ay subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyeen gurigeeda Washington.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in hawlgalka lagu fuliyey ogolaansho maxkamadeed, isla markaana uu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda, balse ma aysan shaacin dembiga la baarayo iyo caddeymaha ay ciidamadu raadinayeen.
Warbaahinta Fox News , oo markii ugu horreysay tabisay hawlgalka, ayaa sheegtay in baaritaanku la xiriiro eedeymo ku saabsan dokumentiyo socdaal oo aabbaheed uu buuxiyey xilligii ay carruurta ahayd.
Hase yeeshee, Wasaaradda Caddaaladda si rasmi ah uma xaqiijin in baaritaanku ku saabsan yahay eedeymahaas, mana jiraan wax dacwado dembiyeed ah oo ilaa hadda lagu soo oogay Ilhaan Cumar.
Baaritaankan ayaa daba socda hadallo ay bilihii la soo dhaafay jeedinayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Trump, kuwaas oo su’aal geliyey taariikhda socdaalka Ilhaan iyo guur hore oo ay gashay.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa bishii May sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu ay baareyso eedeymahaas, isagoo xusay in tallaabo sharci ah la qaadi doono haddii la helo caddeymo muujinaya in dembi dhacay.
Ilhaan ayaa marar badan beenisay eedeymaha, gaar ahaan sheegashada ah inay guursatay nin ay siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen walaalkeed, si ay ugu fududeyso inuu Mareykanka soo galo. Ilaa hadda ma jiraan caddeymo si fagaare ah loo soo bandhigay oo xaqiijinaya sheegashadaas.
Xisbiga Dimoqraadiga oo cambaareeyey
Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ee Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyey baaritaanka, iyagoo su’aal geliyey waqtiga uu dhacay iyo suurtagalnimada in hay’adaha federaalka loo adeegsado dano siyaasadeed.
Hoggaamiyaha Dimoqraadiga ee Golaha Wakiillada, Hakeem Jeffries, iyo mas’uuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in hawlgalku uu dhalinayo walaac xooggan oo ku saabsan ku takrifalka awoodda dowladda.
Waxay dalbadeen in dowladda ay caddeyso sababaha iyo duruufaha keenay baaritaanka, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan isla xisaabtan ku saabsan hawlgalka.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashooyinka dhexe ee Congress-ka Mareykanka ee 3-da November, kuwaas oo Ilhaan Cumar ay mar kale ku dooneyso inay ku sii haysato kursigeeda gobolka Minnesota.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa muddo dheer lahayd habraac looga fogaanayo tallaabooyinka baaritaan ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka, gaar ahaan marka ay soo dhow yihiin. Hase yeeshee, weli lama xaqiijin in hawlgalkan uu jebiyey habraacaas.
Ilhaan Cumar, oo Mareykanka ku timid qaxootinimo sanadkii 1995, isla markaana dhalashada dalkaas qaadatay sanadkii 2000, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida joogtada ah u dhaliila maamulka Trump.
Trump ayaa isaguna dhowr jeer weerar afka ah ku qaaday Ilhaan iyo bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo su’aal geliyey daacadnimadeeda Mareykanka, kuna baaqay in dalka laga masaafuriyo.
Ilaa hadda, maamulka Trump ma uusan soo bandhigin caddeymo dadweynaha loogu xaqiijinayo eedeymaha socdaalka ee loo jeediyey Ilhaan Cumar, halka Wasaaradda Caddaaladdu aysan sheegin muddada baaritaanku socon doono iyo in dacwad laga soo saari doono.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
Qodobada muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC.
- Ilhaan Cumar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta iyo bartilmaameedsiga dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
- Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in hawlgalka lagu fuliyey ogolaansho maxkamadeed, isla markaana uu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda.
- mana jiraan wax dacwado dembiyeed ah oo ilaa hadda lagu soo oogay Ilhaan Cumar.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan eedeymaha gaarka ah ee la baarayo.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Madaxweyne Trump ama maamulka uu hoggaamiyo oo ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma caddeynayo waqtiga baaritaanka marka laga reebo taariikhda hawlgalka.
Gunaanadka akhristaha
Jawaabta xooggan ee Ilhaan Cumar waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee u dhexeeya iyada iyo maamulka Trump iyadoo la baarayo arrin federaal ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee lagu baarayo Ilhaan Cumar?
- Waa maxay caddeymaha, haddii ay jiraan, ee ay raadinayaan ciidamada federaalka?
- Sidee baaritaankan u saameyn doonaa xirfadda siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · ilhaan · cumar
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada