Imaaraadka oo duqeyn ku laayey shacab Soomaali ah oo ka soo jeeday hal qoys
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiDuqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dishay afar qof oo ka tirsan hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, xilli ay socdeen howlgallo militari oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka dagaallanta Puntland.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Duqeynta oo dhacday 26-kii Janaayo 2025, meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad, ayaa sidoo kale dhaawacday shan qof oo kale, waxayna baabi’isay boqollaal neef oo xoolo ah oo qoyskaasi lahaa, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News , kadib markii ay wareysatay dadkii ka badbaaday weerarka iyo afar sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland.
- Afarta sarkaal, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda howlgallada militari, ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaarado ay maamulayeen ciidamada Imaaraadka, kuwaas oo ka soo duulay saldhig militari oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso.
- Khadra Cabdi Ismaaciil, oo 38 jir ah, ayaa Drop Site u sheegtay in qoyskeedu isku diyaarinayey casho, xilli ay iyadu ka baxday aqalkoodii si ay u soo booqato deris.
- Weerarka ayaa dilay walaasheed ka weyn, Laadan Cabdi Ismaaciil, iyo wiil ay dhashay oo 13 jir ahaa, Cabdisamad Yuusuf Maxamuud.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta howlgalada milatari ee ku saabsan dadka rayidka ah ee Puntland, isagoo kor u qaadaya walaaca ku saabsan cawaaqibka duqeymaha ku dhaca aagagga dadka deggan.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxaa la sameyn doonaa si loo hubiyo badbaadada dadka rayidka ah howlgalada milatari ee mustaqbalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dishay afar qof oo ka tirsan hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah.
- Duqeynta oo dhaawacday shan qof oo kale, waxayna baabi’isay boqollaal neef oo xoolo ah oo qoyskaasi lahaa.
- Duqeynta ayaa dhacday 26-kii Janaayo 2025, meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Boosaaso (Caasimada Online) – Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dishay afar qof oo ka tirsan hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, xilli ay socdeen howlgallo militari oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka dagaallanta buuraha gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay baaritaan cusub oo la soo saaray Jimcihii.
Duqeynta oo dhacday 26-kii Janaayo 2025, meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad, ayaa sidoo kale dhaawacday shan qof oo kale, waxayna baabi’isay boqollaal neef oo xoolo ah oo qoyskaasi lahaa, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News , kadib markii ay wareysatay dadkii ka badbaaday weerarka iyo afar sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland.
Afarta sarkaal, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda howlgallada militari, ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaarado ay maamulayeen ciidamada Imaaraadka, kuwaas oo ka soo duulay saldhig militari oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Khadra Cabdi Ismaaciil, oo 38 jir ah, ayaa Drop Site u sheegtay in qoyskeedu isku diyaarinayey casho, xilli ay iyadu ka baxday aqalkoodii si ay u soo booqato deris. Wax yar kadib, waxay maqashay guuxa diyaarad soo dhowaaneysa, waxaana xigay qarax xooggan oo ku dhacay hoygii qoyska.
Weerarka ayaa dilay walaasheed ka weyn, Laadan Cabdi Ismaaciil, iyo wiil ay dhashay oo 13 jir ahaa, Cabdisamad Yuusuf Maxamuud. Waxaa sidoo kale ku dhintay Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd, isla markaana lahayd uur afar bilood ah.
Xawo ayaa gacanta ku haysay ilmaheeda oo siddeed bilood jiray markii duqeyntu dhacday, balse ilmahaasi ayaa ka badbaaday weerarka.
“Ilmihii wuu badbaaday, laakiin iyadii ma badbaadin,” ayay Khadra u sheegtay Drop Site.
Sida ay warbaahintu sheegtay, safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi kama aysan jawaabin codsiyo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan duqeynta iyo howlgallada militari ee Imaaraadku ka fuliyo Puntland.
Ilaa hadda ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo laga helay dhammaan duruufihii ku xeernaa weerarka, mana jiraan tirokoobyo rasmi ah oo dhammaystiran oo muujinaya khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaray dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari.
Qoys amniga dartii uga qaxay deegaankiisa
Qoyska dhibaatadu gaartay ayaa markii hore ku noolaa deegaanka Dhadaar ee buuraha Cal Miskaad, halkaas oo ay eheladoodu sheegeen in bulshadoodu deggenayd qarniyo badan.
Bishii Diseembar 2024, ciidamada ammaanka ayaa dadka deegaanka uga digay joogitaanka dagaalyahannada Daacish, iyagoo qoysas dhowr ah ku amray inay u guuraan goobo kale oo loo sheegay inay ka ammaan badan yihiin halka ay joogeen, sida lagu sheegay baaritaanka.
Axmed Cabdi Ismaaciil, oo ay Khadra walaalo yihiin, ayaa sheegay in qoyskoodu raacay amarradaas, kadib markii loo xaqiijiyey in deegaanka cusub uu ka badbaadsan yahay dagaallada socda.
Hase yeeshee, goobtii ay u guureen ayaa markii dambe noqotay halka ay duqeyntu ku dhacday.
“Waxaa loo sheegay inay guuraan, isla markaana deegaanka cusub uu ka ammaan badan yahay dagaalka, laakiin haddana waa la duqeeyey,” ayuu Axmed u sheegay Drop Site .
Duqeynta kadib, dadka badbaaday ayaa dhaawacyada ku qaaday geel ay lahaayeen qoysas deriskooda ah, iyagoo geeyey deegaanka Balidhidin. Dadkii u baahday daryeel caafimaad oo dheeraad ah ayaa markii dambe loo qaaday magaalada Boosaaso.
Khadra ayaa sheegtay in Xabiibo Yuusuf Maxamuud, oo ka mid ahayd dadka dhaawacmay, ay weli la ildaran tahay dhaawacyo culus, oo ay ku jiraan gacan aan si wanaagsan u dhaqdhaqaaqin iyo firir ku haray qoorteeda.
Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, qoysku wuxuu waayey lix neef oo geel ah iyo ku dhowaad 400 oo ari ah, kuwaas oo ahaa isha ugu weyn ee ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Inkasta oo muddo ka badan sanad iyo bar ay ka soo wareegtay weerarka, haddana xubnaha qoyska ee badbaaday weli kuma laaban deegaankii ay ka soo qaxeen, maadaama ay waayeen xoolihii ay ku noolaan jireen.
Dagaallada ka socda gobolka Bari ayaa sidoo kale barakiciyey tobannaan kun oo qof, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas , oo bishii Janaayo ka digtay in colaadaha daba dheeraaday iyo abaaraha daran ay si weyn u saameeyeen nolosha dadka reer miyiga ah.
Doorka Imaaraadka ee dagaalka Daacish
Puntland ayaa dabayaaqadii 2024 billowday howlgal militari oo ballaaran oo ka dhan ah Daacish, kadib markii kooxdaasi ay saldhigyo ka sameysatay buuraha ku yaalla bariga magaalada Boosaaso.
Howlgalka oo loogu magac daray Hillaac ayaa taageero dhinaca cirka ah ka helay Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo duqeymo ku beegsaday fariisimaha kooxda, xilli ciidamada Puntland ay dhulka ka wadeen dagaallo.
Ciidamada Puntland ayaa sanadkii 2025 qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ay Daacish ku lahayd buuraha, hase yeeshee dagaalyahannada kooxda ayaa sii waday dhaqdhaqaaqyo ay ka sameynayaan dhulka buuraleyda ah ee ay adag tahay in la gaaro.
Warbixin ay sanadkan soo saartay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Magangelyada ayaa xaqiijisay in Mareykanka iyo Imaaraadku duqeymo ka fuliyeen aaggaas, iyadoo sidoo kale sheegtay in Daacish ay dib ugu soo laabatay deegaanno qaarkood oo hore looga saaray.
Bishii May, Somalia Today ayaa werisay in dhaqdhaqaaqyada cusub ee Daacish ay ku khasbeen ciidamada Puntland inay dib u xoojiyaan howlgalladooda, kadib markii uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda.
Hase yeeshee, afarta sarkaal ee Puntland ka tirsan ee la hadlay Drop Site ayaa dhaliilo culus u jeediyey qaar ka mid ah duqeymaha Imaaraadka, iyagoo ku tilmaamay kuwo sababay khasaaro aad u weyn, isla markaana lagu fuliyey taxaddar la’aan.
Saraakiisha ayaa ku eedeeyey ciidamada Imaaraadka inaysan si ku filan u kala saarin dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada Daacish marka ay beegsanayaan goobo looga shakisan yahay inay kooxdu ku sugan tahay.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku inta badan sameeyaan dabagal iyo kormeer cirka ah oo muddo socda ka hor inta aysan weerarin bartilmaameed, halka uu ku eedeeyey ciidamada Imaaraadka inay muujiyaan taxaddar ka yar.
“Waxay u eg tahay inay bartilmaameedyo ku tababaranayaan,” ayuu yiri sarkaal kale.
Sida ay saraakiisha Puntland u sheegeen Drop Site, Imaaraadka ayaa joojiyey duqeymihii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bishii Nofeembar 2025, waxaana Mareykanku wixii xilligaas ka dambeeyey hoggaanka u qabtay howlgallada cirka ee ka dhanka ah Daacish.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa xaqiijiyey inuu sanadkan 2026 duqeymo ka fuliyey goobo ay Daacish ku leedahay agagaarka Boosaaso, isagoo sheegay in howlgalladaas uu la kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa doonaya inuu ballaariyo joogitaankiisa militari ee garoonka diyaaradaha Boosaaso. Baaritaan la soo bandhigay bishii Sebteembar, oo ay Somalia Today werisay , ayaa faahfaahiyey qorshe lagu dhisayo xarumo taageera duqeymaha Mareykanka iyo howlgallada sirdoonka CIA-da.
Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka
Eedeymahan cusub ayaa soo baxay xilli uu weli taagan yahay khilaaf ku saabsan joogitaanka militari iyo saameynta siyaasadeed ee Imaaraadka uu ku leeyahay Soomaaliya.
Bishii Janaayo ee sanadkan, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laashay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka ee la xiriiray amniga, difaaca iyo maareynta dekedaha istaraatiijiga ah, iyadoo Abu Dhabi ku eedeysay inay ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Maamulka Puntland ayaa diiday go’aankaas , isagoo ku dooday in dowladda federaalku aysan keligeed burin karin heshiisyo khuseeya Puntland, iyada oo aan lagala tashan maamulka.
Inkasta oo khilaafka diblomaasiyadeed uu sii xoogaystay, isla markaana la sheegay in Imaaraadku joojiyey duqeymihii uu ka fulin jiray Puntland, haddana Abu Dhabi ayaa sii wadday taageerada ay siiso ciidamada ammaanka maamulkaasi, gaar ahaan Ciidanka Booliska Badda Puntland ee PMPF, sida uu sheegay baaritaanka Drop Site.
Taageeradaas ayaa isugu jirta tababar militari, mushaaraad iyo iskaashi dhinaca sirdoonka ah, taas oo muujineysa in Imaaraadku weli door ku leeyahay howlgallada amni ee Puntland.
Baaritaanka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu 9-kii Oktoobar ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, isagoo soo xiganaya saraakiil amni oo ka warqabay socdaalkiisa.
Saraakiishaasi ma aysan shaacin ujeeddada booqashada madaxweynaha Puntland.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dishay afar qof oo ka tirsan hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, xilli ay socdeen howlgallo militari oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka dagaallanta Puntland.
Qodobada muhiimka ah
- Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dishay afar qof oo ka tirsan hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah.
- Duqeynta oo dhaawacday shan qof oo kale, waxayna baabi’isay boqollaal neef oo xoolo ah oo qoyskaasi lahaa.
- Duqeynta ayaa dhacday 26-kii Janaayo 2025, meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad.
- Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi kama aysan jawaabin codsiyo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan duqeynta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira duqeynta iyo cawaaqibteeda.
- Ma jiraan tirokoobyo rasmi ah oo muujinaya khasaaraha dadka rayidka ah ee ka dhashay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee gobolka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha safaaradda Imaaraadka iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee ku saabsan duqeynta.
Gunaanadka akhristaha
Duqeyntu waxay keentay khasaarooyin badan oo rayid ah waxayna su'aalo ka keenaysaa istaraatiijiyadda hawlgallada milatari ee gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxaa la sameyn doonaa si loo hubiyo badbaadada dadka rayidka ah howlgalada milatari ee mustaqbalka?
- Sidee ayay Imaaraadku uga jawaabi doontaa eedeymaha la xiriira duqeynta?
- Maxay taageero u heli doonaan qoyska ay dhibaatadu gaartay iyo kuwa kale oo la mid ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta howlgalada milatari ee ku saabsan dadka rayidka ah ee Puntland, isagoo kor u qaadaya walaaca ku saabsan cawaaqibka duqeymaha ku dhaca aagagga dadka deggan.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · duqeyn · hal · imaaraadka
Sii akhri
- Heshiiskii Soomaaliya: Hal-ku-dhiggii Xasan Sheekh iyo xaaladda maanta
Hiiraan Online
- Dowladda Federaalka iyo Woqooyibari oo mamnuucay in aan hub iyo ciidan lala raaco diyaaraha aado Deegaanada Maamulkaas
Hiiraanweyn
- Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Lagu Qaaday Garoomada Diyaaradaha Sacuudiga
Shabelle Media