Imaaraadka oo si qarsoodi ah Xuutiyiinta uga caawinaya dagaalka Sacuudiga
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiImaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu si qarsoodi ah kooxda Xuutiyiinta ugu gudbiyo xog sirdoon oo lagu beegsado ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Drop Site News.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warbaahinta ayaa afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ka soo xigatay in ciidamo Yemeni ah oo xiriir la leh Abu Dhabi ay Xuutiyiinta ka caawinayaan aqoonsiga bartilmaameedyada, iyadoo Imaaraadku arrintaas indhaha ka qarsanayo.
- Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in taageeradu aysan ku koobneyn ciidamada xiriirka la leh Abu Dhabi, balse Imaaraadka laftiisu uu si toos ah xog sirdoon ula wadaagay Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansarallah.
- Hase yeeshee, mas’uul sare oo Xuutiyiinta ka tirsan ayaa beeniyey inay taageero ka helaan Imaaraadka, halka Golaha Kumeelgaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC), oo Abu Dhabi taageerto, uu diiday inuu xiriir la leeyahay kooxda.
- Ilo-wareed Yemeni ah oo la socda xiriirka qarsoon ee la sheegay ayaa Drop Site News u sheegay in waddada ay labada dhinac ku wada xiriiraan ay weli furan tahay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Imaaraadka la wadaagayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu si qarsoodi ah kooxda Xuutiyiinta ugu gudbiyo xog sirdoon oo lagu beegsado ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.
- Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in taageeradu aysan ku koobneyn ciidamada xiriirka la leh Abu Dhabi, balse Imaaraadka laftiisu uu si toos ah xog sirdoon ula wadaagay Xuutiyiinta.
- Mas’uul sare oo Xuutiyiinta ka tirsan ayaa beeniyey inay taageero ka helaan Imaaraadka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu si qarsoodi ah kooxda Xuutiyiinta ugu gudbiyo xog sirdoon oo lagu beegsado ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Drop Site News .
Warbaahinta ayaa afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ka soo xigatay in ciidamo Yemeni ah oo xiriir la leh Abu Dhabi ay Xuutiyiinta ka caawinayaan aqoonsiga bartilmaameedyada, iyadoo Imaaraadku arrintaas indhaha ka qarsanayo.
Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in taageeradu aysan ku koobneyn ciidamada xiriirka la leh Abu Dhabi, balse Imaaraadka laftiisu uu si toos ah xog sirdoon ula wadaagay Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansarallah.
Hase yeeshee, mas’uul sare oo Xuutiyiinta ka tirsan ayaa beeniyey inay taageero ka helaan Imaaraadka, halka Golaha Kumeelgaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC), oo Abu Dhabi taageerto, uu diiday inuu xiriir la leeyahay kooxda.
Ilo-wareed Yemeni ah oo la socda xiriirka qarsoon ee la sheegay ayaa Drop Site News u sheegay in waddada ay labada dhinac ku wada xiriiraan ay weli furan tahay.
“Imaaraadku wuxuu xog sirdoon oo aad u badan u gudbiyey maamulka fadhigiisu yahay Sanca; xiriirka labada dhinacna weli wuu furan yahay,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay xiriirro toos ah la sameysteen taliyeyaal ciidan oo weli daacad u ah Imaaraadka. Ilaha warbixinta ayaa codsaday inaan magacyadooda la shaacin, maadaama aan loo oggolayn inay si fagaare ah uga hadlaan arrintan.
Qaar ka mid ah ilahaas ayaa caddeeyey in taageerada la sheegay ay ku kooban tahay xogta iyo bartilmaameedyada gudaha Yemen, ayna ka mid ahayn caawinta weerarrada Xuutiyiintu ka fuliyaan gudaha Sacuudiga.
Faro-gelinta Mareykanka
Sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha, mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa dhowaan Imaaraadka ku wargeliyey in Washington ay ogaatay taageerada qarsoon, kana dalbaday inuu joojiyo. Hase yeeshee, ilaha ay warbaahintu la hadashay ayaa sheegay in wadaagista xogtu ay weli socoto.
Drop Site News waxay sheegtay in safiirka Imaaraadka ee Mareykanka, Yuusuf Al-Cuteyba, uusan ka jawaabin codsiyo ay ugu dirtay inuu arrintan ka hadlo. Aqalka Cad iyo afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaan iyaguna ka jawaabin su’aalihii warbaahinta.
Maxamed Al-Bukhayti, oo ah mas’uul sare oo Ansarallah ka tirsan, ayaa dhankiisa ku adkeystay in Imaaraadku dhex-dhexaad ka yahay dagaalka.
“Imaaraadku wax taageero ah ma siin Yemen, ha noqoto mid ka dhan ah Sacuudiga ama xoogagga uu ku leeyahay gudaha Yemen,” ayuu u sheegay Drop Site News.
Wuxuu sheegay in Abu Dhabi ay diidday inay mar kale ku biirto dagaalka uu Sacuudigu ka wado Yemen, inkastoo, sida uu sheegay, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ku dadaalay inuu ku qanciyo.
Al-Bukhayti wuxuu sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in Imaaraadku uu Xuutiyiinta kala xiriiray sameynta isbahaysi ka dhan ah Sacuudiga. Wuxuu sheegay in xalka dagaalku yahay in la joojiyo colaadda, labada dhinacna ay qaadaan go’doominta.
Eedeymahan ayaa soo baxaya iyadoo Imaaraadka iyo Xuutiyiintu ay kala taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda oo gobolka ah. Abu Dhabi waxay xulafo dhow la tahay Mareykanka iyo Israa’iil, halka Xuutiyiintu xiriir dhow la leeyihiin Iiraan.
Hase yeeshee, Drop Site News waxay sheegtay in danaha labada dhinac ee Yemen ay meelaha qaar isaga soo dhowaadeen, kaddib markii khilaafka Riyadh iyo Abu Dhabi uu Imaaraadka ka saaray doorkiisii militari ee dalka horraantii sanadkan.
Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2015 ka wada tirsanaa isbahaysigii militari ee taageerayey dowladda Yemen, kaddib markii Xuutiyiintu ay qabsadeen caasimadda Sanca sanadkii 2014.
Muddo kaddib, waxaa soo shaac baxay kala duwanaanshaha ujeeddooyinka labada dal. Abu Dhabi waxay taageertay xoogag koonfureed oo qaarkood doonaya inay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidii Koonfurta Yemen, halka Riyadh ay taageertay dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Imaaraadku uu mudnaan siiyey la dagaallanka xisbiga Al-Islaax, oo ay ku jiraan garabyo xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiin, inkastoo xisbigu qayb ka yahay dhinacyada taageera dowladda Yemen.
Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka
Khilaafka ayaa cirka isku shareeray bishii Diseembar 2025, markii ciidamada STC ay qabsadeen laba gobol oo ku yaalla bariga Yemen, kuwaas oo xuduud la leh Sacuudiga iyo Cumaan.
Sacuudiga ayaa markaas duqeeyey shixnad qalab militari oo Imaaraadku geeyey dekedda Mukalla, wuxuuna Abu Dhabi u qabtay 24 saacadood inay dalka uga baxdo, isla markaana joojiso taageerada militari iyo tan dhaqaale ee ay siiso dhinacyada Yemen.
Imaaraadka ayaa ka baxay, halka ciidamada dowladda Yemen oo kaashanaya duqeymaha Sacuudiga ay dib u riixeen xoogaggii STC. Hoggaamiyaha golahaas, Caydaruus Al-Zubeydi, ayaa bishii Janaayo u baxsaday Imaaraadka.
Dhanka kale, warbixin ay The Guardian daabacday 17-kii Oktoobar ayaa sheegtay in Imaaraadku oggolaaday inuu dib u bilaabo lacagihii uu siin jiray qaar ka mid ah ciidamada Yemen ee la dagaallamaya Xuutiyiinta, halka Sacuudigu siinayo taageero dhanka cirka ah.
Drop Site News waxay tilmaantay in taageeradaas ay u badan tahay inay soo marto guutooyinka Al-Camaaliqa, oo ah ciidan u badan dagaalyahanno koonfureed oo hore Imaaraadku u tababaray una maalgeliyey. Guutooyinkaas ayaa Xuutiyiinta kula dagaallamaya buuraha Kahbuub ee ku dhow marin-biyoodka Baabul Mandab.
Hase yeeshee, ilo-wareedka Yemeni-ga ah ee warbixinta lala hadlay ayaa ku eedeeyey qaar badan oo ka mid ah taliyeyaasha guutooyinkaas inay marar badan ka baxeen fariisimahooda iyaga oo aan dagaal gelin, taasoo uu sheegay inay dhaawacday ciidamada Sacuudigu taageero.
Wuxuu sidoo kale sheegay in taliyeyaal xiriir la leh STC ay ka gaabsadeen dagaalka Xuutiyiinta, gaar ahaan jiidaha gobollada Al-Dhaalic iyo Laxaj, isla markaana ay marar badan ka baxeen goobihii ay joogeen.
Camr Al-Beydh, oo ah wakiilka gaarka ah ee hoggaamiyaha STC, ayaa diiday eedeymahaas, wuxuuna Drop Site News u sheegay in goluhu uusan wax xiriir ah la lahayn Xuutiyiinta.
Wuxuu sheegay in siyaasadda goluhu tahay in ciidamada koonfurtu aysan ka qaybqaadan hawlgallo militari oo ka dhaca waqooyiga Yemen, balse taasi aysan ka dhigneyn inay diidan yihiin inay Xuutiyiinta la dagaallamaan.
“Haddii Xuutiyiintu u soo dhaqaaqaan koonfurta, waxay la kulmi doonaan iska caabin,” ayuu yiri.
Dooddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Xuutiyiintu ay bishii Sebtembar qabsadeen dhul ballaaran oo ku teedsan xeebta Badda Cas, kuna xoojiyeen gacantooda marin-biyoodka Baabul Mandab, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Tan iyo markaas, Sacuudiga ayaa kordhiyey duqeymaha Sanca iyo deegaannada kale ee Xuutiyiintu maamulaan, halka kooxda ay weerarro ku qaadday gudaha boqortooyada.
Dagaalladu waxay sii xumeeyeen xaaladda rayidka. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in in ka badan 250,000 oo qof ay barakaceen tan iyo 1-dii Agoosto, iyadoo ku dhowaad kala bar ay ka carareen gobolka Tacis.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa isaguna sheegay in isaga iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan aysan gaari karin in ka badan 600,000 oo qof oo Tacis ku nool kuna tiirsan gargaarka, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 200,000 oo haween iyo carruur ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu si qarsoodi ah kooxda Xuutiyiinta ugu gudbiyo xog sirdoon oo lagu beegsado ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Drop Site News.
Qodobada muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu si qarsoodi ah kooxda Xuutiyiinta ugu gudbiyo xog sirdoon oo lagu beegsado ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.
- Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in taageeradu aysan ku koobneyn ciidamada xiriirka la leh Abu Dhabi, balse Imaaraadka laftiisu uu si toos ah xog sirdoon ula wadaagay Xuutiyiinta.
- Mas’uul sare oo Xuutiyiinta ka tirsan ayaa beeniyey inay taageero ka helaan Imaaraadka.
- Sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha, mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa dhowaan Imaaraadka ku wargeliyey in Washington ay ogaatay taageerada qarsoon, kana dalbaday inuu joojiyo.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan magac lahayn oo ku saabsan eedeymaha.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan wadaagista xogta la sheegay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Imaaraadka ama mas'uuliyiinta Sacuudiga.
Gunaanadka akhristaha
Taageerada Imaaraadka ee la sheegay ee Xuutiyiinta waxay su'aalo ka keenaysaa isbedelada colaadda Yemen.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Imaaraadka la wadaagayo?
- Sidee ayey tani u saameyn doontaa colaadda socda ee Yemen?
- Waa maxay tallaabooyinka Imaaraadka uu qaadi doono ka dib codsiga Mareykanka ee joojinta taageerada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xuutiyiinta · imaaraadka · qarsoodi