Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Puntland Postgeneral

In ka badan 25 kun oo arday oo u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

25,221 arday ayaa deegaannada Puntland maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kuwaas oo isugu jira fasalka… Sii akhri

SO
In ka badan 25 kun oo arday oo u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland
Sawir / xog muuqaal ah · Puntland Post
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Puntland Post

25,221 arday ayaa deegaannada Puntland maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kuwaas oo isugu jira fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare.

Imitixaanka ayaa hal waqti ka wada furmay 166 xarumood oo Puntland ah, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Raascasayr, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Puntland, Fu’aad Abshir Axmed.

Gobolka Mudug ayaa noqday gobolka tirada ugu badan ku leh ardayda maanta u fariisatay imtixaanka, wuxuuna ku leeyahay 7,317 arday, halka gobolka Bari uu ku leeyahay 6,546 arday, sidoo kale gobolka Nugaal ayaa ku leh 6,381 arday.

Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale ayaa imtixaanka ka daahfuray magaalada Garoowe.

Isha: Puntland Post. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Puntland Post
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralardaypuntlandfariistay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.