Iska horimaad dhimasho sababay oo xiisad ka dhacay degmada Caluula
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiIska horimaad ka dhacay degmada Caluula ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayQofka dhintay ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Cumar Cali Muumin , waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu ahaa darawalka guddoomiyaha degmada Caluula.
- Wararka ka soo baxaya deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadu ay la xiriirto khilaaf ka dhashay maamulka degmada.
- Xiisadda ayaa timid xilli uu ka dhex jiray maamulka degmada khilaaf siyaasadeed, kaddib markii 11 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caluula ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha degmada, Axmed Maxamed Xasan, oo loo yaqaan Xamari .
- Golaha Deegaanka Caluula wuxuu ka kooban yahay 33 xubnood , kuwaas oo lagu doortay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ee 2023.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Qofka dhintay ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Cumar Cali Muumin , waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu ahaa darawalka guddoomiyaha degmada Caluula.
- Xiisadda ayaa timid xilli uu ka dhex jiray maamulka degmada khilaaf siyaasadeed.
- Golaha Deegaanka Caluula wuxuu ka kooban yahay 33 xubnood , kuwaas oo lagu doortay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ee 2023.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Xiisad ayaa ka dhacay degmada Caluula ee gobolka bari ee Puntland, kaddib iska horimaad sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale laga soo wariyay halkaas.
Wararka ka soo baxaya deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadu ay la xiriirto khilaaf ka dhashay maamulka degmada.
Qofka dhintay ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Cumar Cali Muumin , waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu ahaa darawalka guddoomiyaha degmada Caluula. Qof kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, hase yeeshee faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad iyo goobta lagu daweynayo weli lama helin.
Xiisadda ayaa timid xilli uu ka dhex jiray maamulka degmada khilaaf siyaasadeed, kaddib markii 11 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caluula ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha degmada, Axmed Maxamed Xasan, oo loo yaqaan Xamari .
Golaha Deegaanka Caluula wuxuu ka kooban yahay 33 xubnood , kuwaas oo lagu doortay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ee 2023. Dukumenti ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa xaqiijinaya tirada 33-ka xubnood iyo natiijooyinkii doorashada degmada Caluula.
Si kastaba, weli ma cadda habraaca sharci ee loo maray xil-ka-qaadista guddoomiyaha , iyo in go’aanka ay sheegeen xubnaha golaha uu helay ansixinta hay’adaha kale ee ay khusayso.
Sidoo kale, faahfaahin rasmi ah lagama helin cidda uu iska horimaadku dhex maray, waxa si toos ah u sababay rasaasta iyo haddii ay jiraan dad loo qabtay dhacdada. Wararka la heli karo waxay tilmaamayaan in xaaladdu weli tahay mid u baahan dejin iyo xaqiijin dheeraad ah.
Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay iska horimaadku ay kusoo beegmeen xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay maamulka degmada.
Ilaa hadda, maamulka Puntland iyo hay’adaha amniga ayaan soo saarin war rasmi ah oo dhamaystiran oo lagu caddeynayo sababta iska horimaadka, khasaaraha iyo tallaabooyinka laga qaaday dadka ku lugta leh.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Iska horimaad ka dhacay degmada Caluula ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale. Dhacdadu waxay la xiriirtaa khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jira maamulka degmada.
Qodobada muhiimka ah
- Iska horimaad ka dhacay degmada Caluula ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.
- Qofka dhintay ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Cumar Cali Muumin , waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu ahaa darawalka guddoomiyaha degmada Caluula.
- Xiisadda ayaa timid xilli uu ka dhex jiray maamulka degmada khilaaf siyaasadeed.
- Golaha Deegaanka Caluula wuxuu ka kooban yahay 33 xubnood , kuwaas oo lagu doortay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ee 2023.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay.
- Ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan xaaladaha iska horimaadka ama dadka ku lugta leh.
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid maamulka degmada ama hay'adaha amniga.
Gunaanadka akhristaha
Iska horimaadka ka dhacay degmada Caluula wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee ka dhex jira maamulka degmada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay?
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan hay'adaha ku lugta leh dhacdadan?
- Maxay yihiin saameynta khilaafka siyaasadeed ee maamulka degmada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · horimaad · sababay · iska
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada