Sidee u baxsadeen maxaabiistii burcad-badeedda ee Puntland qabatay?
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiGaroowe (Caasimada Online) – Ku dhowaad 20 maxbuus oo kamid ahaa burcad-badeeddii lagu qabtay markabka SIBU 1 ayaa xalay ka baxsaday gacanta Puntland, xilli loo waday magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo.
Qodobbada muhiimka ah
- Dhacdada ayaa sidoo kale sababtay dhimashada mid kamid ah maxaabiista, halka mid kale uu dhaawacmay xilli ay maxaabiistu isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamadii ilaalinayay.
- Safarka maxaabiista ayaa ka billowday deegaanka Garacad, halkaas oo laga soo qaaday, waxaana loo waday xarunta Puntland ee Garoowe.
- Xogaha laga helayo dhacdada ayaa intaas ku daraya in maxaabiista baxsatay ay ku jireen laba qof oo dhawaan lagu qabtay Garacad, kuwaas oo la sheegay inay kamid ahaayeen burcad-badeed ka degtay markabkii Turkiga ee Lutuf.
- Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan baxsashada maxaabiista, iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda dhacdada iyo sida ay maxaabiistu uga baxeen gacanta ciidamada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Garoowe (Caasimada Online) – Ku dhowaad 20 maxbuus oo kamid ahaa burcad-badeeddii lagu qabtay markabka SIBU 1 ayaa xalay ka baxsaday gacanta Puntland, xilli loo waday magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo.
Dhacdada ayaa sidoo kale sababtay dhimashada mid kamid ah maxaabiista, halka mid kale uu dhaawacmay xilli ay maxaabiistu isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamadii ilaalinayay.
Safarka maxaabiista ayaa ka billowday deegaanka Garacad, halkaas oo laga soo qaaday, waxaana loo waday xarunta Puntland ee Garoowe. Balse baxsashadu waxay ka dhacday deegaanka Shakaal oo hoos taga degmada Jariiban, kuna dhow xadka u dhexeeya gobollada Nugaal iyo Mudug.
Xogaha laga helayo dhacdada ayaa intaas ku daraya in maxaabiista baxsatay ay ku jireen laba qof oo dhawaan lagu qabtay Garacad, kuwaas oo la sheegay inay kamid ahaayeen burcad-badeed ka degtay markabkii Turkiga ee Lutuf.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan baxsashada maxaabiista, iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda dhacdada iyo sida ay maxaabiistu uga baxeen gacanta ciidamada.
Puntland ayaa hore u sheegtay in tirada maxaabiista lagu qabtay markabka SIBU 1 ay ahayd 46 qof. Hase yeeshee, markii maxaabiista la keenay Garacad, warar madax-bannaan ayaa sheegay in tiradoodu ahayd 21 xubnood.
Markabka SIBU 1 ayaa Jimcihii lagu soo furtay howlgal ay iska kaashadeen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ka socday shirkadda leh markabka iyo ciidamada Badda Puntland ee PMPF, kaddib markii ay burcad-badeeddu qabsatay.
Baxsashada maxaabiistan ayaa hadda dhalisay su’aalo ku saabsan qaabka loo sugayay amniga maxaabiista intii loo waday Garoowe iyo sida ay ku suuragashay inay ka baxsadaan gacanta ciidamada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · burcad · puntland · qabatay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada