Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlineeconomy

Itoobiya iyo Jabuuti oo heshiis ka gaaray dhismaha dhuumo qaada saliidda iyo gaaska

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wadahadallo la yeeshay madaxa fulinta ee Ethiopian Investment Holdings, Brook Taye. Wadahadalladaas ayaa ku saabsanaa mashaariic la qorsheeyay oo lagu dhisayo marin dhoofin oo shidaal iyo gaas ah, kaas oo isku xiraya Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadaxaajoodka u sheegeen wargeyska [&#8

SO
Sawir war oo la xiriira Itoobiya iyo Jabuuti oo heshiis ka gaaray dhismaha dhuumo qaada saliidda iyo gaaska
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa heshiis la gaaray Ethiopian Investment Holdings si loo dhiso dhuumo qaada saliidda iyo gaaska oo isku xiraya Itoobiya iyo Jabuuti.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dhismaha dhuumo qaada shidaalka la sifeeyay iyo gaaska dabiiciga ah.
  2. Wejiga koowaad wuxuu hiigsanayaa dhismaha dhuumo qaada shidaalka laga sifeeyay, halka wejiga labaad uu ku saabsan yahay dhuumo qaada gaaska dabiiciga ah.
  3. Ethiopian Investment Holdings ayaa codsatay dhul cabbirkiisu yahay 10 hektar oo ku yaalla Jabuuti si ay uga dhisto xarun weyn oo lagu kaydiyo shidaalka.

Macnaha guud

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmay xilli uu dardar cusub ku socdo iskaashiga saadka tamarta ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa si wanaagsan uga jawaabay soo-jeedinta qorshahan.

Ismaaciil Cumar Geelle, Brook Taye, Djama Mohamed Hassan +5
Jabuuti
2026-05-23

Sababta ay muhiim u tahay: Heshiiskan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya maadaama uu xoojinayo iskaashiga tamarta iyo saadka gobolka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wadahadallo la yeeshay madaxa fulinta ee Ethiopian Investment Holdings, Brook Taye. Wadahadalladaas ayaa ku saabsanaa mashaariic la qorsheeyay oo lagu dhisayo marin dhoofin oo shidaal iyo gaas ah, kaas oo isku xiraya Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadaxaajoodka u sheegeen wargeyska Addis Standard.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshe kaabayaal tamareed oo laba weji ah. Qorshahan ayaa la diyaariyay kaddib markii uu dhowaan billowday iskaashi u dhexeeya Itoobiya iyo Kooxda Dangote, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Itoobiya iyo Jabuuti ee dhinacyada saadka tamarta iyo awoodda dhoofinta.

Sida ku cad qaab-dhismeedka la soo jeediyay, wejiga koowaad wuxuu hiigsanayaa dhismaha dhuumo qaada shidaalka la sifeeyay, kuwaas oo ka imanaya xarumaha dekedda Jabuuti kuna sii jeeda xarunta dhexe ee saadka Itoobiya ee Daweleh.

Wejiga labaad wuxuu ku saabsan yahay dhismaha dhuumo gaar ah oo qaada gaaska dabiiciga ah iyo saliidda ceyriin. Dhuumahaas ayaa loogu talagalay in lagu dhoofiyo shidaalka iyo gaaska Itoobiya ee laga soo saarayo ceelasha ku yaalla Gobolka Soomaalida Itoobiya, si loogu iib geeyo suuqyada caalamka iyadoo la marayo Jabuuti.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliaeconomyeconomyitoobiyajabuuti
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.