Itoobiya: Ma jirto cid naga hor-istaagi karta in aan bad helno
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiAbadula Gemeda, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Itoobiya, ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto badda, isagoo muujinaya muhiimadda arrintan u leedahay dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Abadula, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dowladda Itoobiya ee ENA, ayaa sheegay in arrinta marin-badeedku aysan ahayn mid Itoobiya ay ka tanaasuli karto, isagoo ku dooday in sida dalku ku waayay xeebtiisii hore aysan marin dood qaran iyo hannaan sharci oo ku filan.
- “Suurtagal ma aha in Itoobiya laga sii go’doomiyo badda,” ayuu yiri Abadula.
- Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, waxaana tan iyo markaas inta badan ganacsigeeda dibadda uu maraa dekedaha Jabuuti.
- Abadula ayaa ku dooday in go’aamadii horseeday xaaladdaas ay qaateen tiro kooban oo dad ah, isaga oo su’aal geliyay awooddii sharci ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee xilligaas jirtay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan marin-badeedka Itoobiya, taasoo saameyn ku yeelan karta ganacsiga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Itoobiya qorsheyneyso inay qaado si ay u hesho marin badeed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Abadula Gemeda ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto badda.
- Abadula ayaa dhaliilay go'aamadii hore ee ku saabsan marin-badeedka Itoobiya, isagoo sheegay in aanay ahayn kuwo lagu gaaray hannaan sharci oo ku filan.
- Mas’uulka hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dalal uu ku tilmaamay “cadowga taariikhiga ah” ee Itoobiya inay muddo dheer isku dayayeen inay dalka ka hor istaagaan marin badeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Itoobiya Abadula Gemeda ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto badda, xilli Addis Ababa ay sii xoojineyso olole ay ku doonayso marin badeed oo ay ku tilmaantay dan qaran oo muddo dheer ah.
Abadula, oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dowladda Itoobiya ee ENA, ayaa sheegay in arrinta marin-badeedku aysan ahayn mid Itoobiya ay ka tanaasuli karto, isagoo ku dooday in sida dalku ku waayay xeebtiisii hore aysan marin dood qaran iyo hannaan sharci oo ku filan.
“Suurtagal ma aha in Itoobiya laga sii go’doomiyo badda,” ayuu yiri Abadula.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, waxaana tan iyo markaas inta badan ganacsigeeda dibadda uu maraa dekedaha Jabuuti.
Abadula ayaa ku dooday in go’aamadii horseeday xaaladdaas ay qaateen tiro kooban oo dad ah, isaga oo su’aal geliyay awooddii sharci ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee xilligaas jirtay.
“Ma jirin go’aan ku saabsan marin-badeedka oo lagu gaaray dood ama heshiis ka dhacay madal rasmi ah oo sharci ah,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in go’aamo uu ku tilmaamay kuwo saameyn weyn ku yeeshay danaha qaranka Itoobiya la qaatay xilli uusan weli dalka ka jirin nidaam dastuuri ah oo dhameystiran.
Eedeyn loo jeediyay Masar
Mas’uulka hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dalal uu ku tilmaamay “cadowga taariikhiga ah” ee Itoobiya inay muddo dheer isku dayayeen inay dalka ka hor istaagaan marin badeed.
Waxa uu si gaar ah u xusay Masar, isagoo ku eedeeyay inay taageertay xoogag gudaha Itoobiya ka jiray, isla markaana door ku lahayd taageeridda dhaqdhaqaaqii Shabia ee Eritrea iyo TPLF.
Eedeymahaas waa aragtida Abadula, mana uusan soo bandhigin caddeymo cusub oo lagu xaqiijinayo. Waxay sidoo kale kusoo beegmayaan xilli xiriirka Itoobiya iyo Masar uu sii xumaanayo, iyadoo labada dal ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin webiga Nile iyo danaha gobolka.
Abadula ayaa sheegay in markii isku dayo militari oo lagu wiiqayo Itoobiya ay guuldarreysteen, waxa uu ugu yeeray cadowga dalka ay u wareegeen taageeridda kooxo gudaha ka shaqeeya.
Wuxuu ku dooday in arrimahaas ay ugu dambeyn qeyb ka noqdeen go’aamo dhaawacay danaha Itoobiya, oo ay ku jirto luminta marin ay toos ugu gaarto badda.
Cadaadiska marin-badeedka
Hadalka Abadula ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu mar kale ku celiyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dadaallada ay ku raadineyso marin badeed.
Abiy, oo Isniintii loo dhaariyay muddo xileed cusub oo shan sano ah, ayaa baarlamaanka u sheegay in Addis Ababa ay arrinta ku raadin doonto hannaan ku dhisan “wax is dhaafsi” iyo wada-xaajood.
“Annaga oo ku saleyneyna mabda’a wax is-dhaafsiga, waxaan si adag uga shaqeyn doonnaa in Itoobiya ay hesho marin badeed,” ayuu yiri Abiy Axmed.
Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa isna Talaadadii sheegay in dowladdu ay sii xoojineyso dadaallada ku aaddan helitaanka marin badeed, iyadoo Addis Ababa ay arrinta ku xireyso danaha dhaqaale iyo kuwa istaraatiijiyadeed ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda sheegtay in aysan kasoo horjeedin in Itoobiya ay hesho marin ganacsi oo ay ku isticmaasho dekedaha Soomaaliya, balse waxay ku adkeysatay in heshiis kasta uu ku yimaado wada-xaajood rasmi ah oo dhex mara labada dowladood, isla markaana uu dhowro madax-bannaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in Muqdisho ay diyaar u tahay in Itoobiya loo oggolaado isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliyeed oo ay wax kala soo degto ama ka dhoofiso, laakiin Addis Ababa aysan weli soo gudbin codsi rasmi ah oo qeexaya nooca marin-badeed ee ay doonayso.
Arrinta ayaa weli ah mid xasaasi ah gobolka, gaar ahaan kadib markii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Sudan ay shir ka dhacay New Alamein ku adkeeyeen in maamulka iyo arrimaha ammaanka Badda Cas ay masuuliyaddiisu gaar u tahay dalalka xeebaha leh.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa maalintii xigtay ku jawaabtay in dood kasta oo ku saabsan Badda Cas ay tahay inay tixgeliso waxa ay ugu yeertay “xaqiiqada juqraafiyeed” iyo “danaha qaranka ee sharciga ah” ee Itoobiya.
Abadula ayaa taageeray habka dowladda Abiy ay hadda u waddo arrinta, isagoo sheegay in marin-badeed lagu raadiyo wada-hadal nabadeed, dano wadaag iyo heshiis labada dhinacba wax ku helayaan.
Hase yeeshee, hadalkiisa ah in “cidna aysan ka hor istaagi karin” Itoobiya marin badeed ayaa sii xoojinaya farriinta Addis Ababa ee ah in arrintan aysan u arkin oo keliya baahi ganacsi oo ku-meel-gaar ah, balse ay tahay dan qaran oo muddo dheer sii jiri doonta.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Abadula Gemeda, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Itoobiya, ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto badda, isagoo muujinaya muhiimadda arrintan u leedahay dalka.
Qodobada muhiimka ah
- Abadula Gemeda ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta Itoobiya inay hesho marin ay ku gaarto badda.
- Abadula ayaa dhaliilay go'aamadii hore ee ku saabsan marin-badeedka Itoobiya, isagoo sheegay in aanay ahayn kuwo lagu gaaray hannaan sharci oo ku filan.
- Mas’uulka hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dalal uu ku tilmaamay “cadowga taariikhiga ah” ee Itoobiya inay muddo dheer isku dayayeen inay dalka ka hor istaagaan marin badeed.
- Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dadaallada ay ku raadineyso marin badeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Abadula Gemeda iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Wax caddeymo ah laguma soo bandhigin si loo taageero eedeymaha Abadula ee ku saabsan falalka Masar.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dowladda Masar ama dhinacyada kale ee la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Itoobiya waxay si firfircoon u raadinaysaa marin badeed, iyadoo leh cawaaqib siyaasadeed oo muhiim ah gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Itoobiya qorsheyneyso inay qaado si ay u hesho marin badeed?
- Sidee ayay xiriirka Itoobiya iyo Masar u horumari doonaan iyadoo la tixgelinayo bayaannadan?
- Waa maxay heshiisyada rasmiga ah, haddii ay jiraan, ee la tixgelinayo dhex mara Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan marinada dekedaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee ku saabsan marin-badeedka Itoobiya, taasoo saameyn ku yeelan karta ganacsiga gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · karta · itoobiya · cid