Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Salaad,… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Salaad, kaas oo la xiriira arrimaha doorashada Galmudug.
Mahad Salaad ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in uu rabo madaxweynaha maamulka Galmudug, islamarkaana uusan doonayn in awood ciidan lagu muquuniyo madaxweyne Qoorqoor oo uu isagu tanaasul ka keeni karo.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr kulan oo dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, welina ay ku ballansan yihiin kulamo kale.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la sheegay in uu la safan yahay Mahad Salaad oo uusan doonayn Liibaan Shuluq oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wato madaxweynaha Galmudug.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan