Kooxda Lafta-gareen oo jawaab ka bixisay tallaabada DF
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiKooxda Lafta-gareen ayaa ka jawaabtay cunaqabateynta dhawaan ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay shakhsiyaad lagu eedeeyay inay maalgelinayaan Al-Shabaab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta Argagixisada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman ku daray shakhsiyaadkan oo haatan dagaal adag kula jiray maamulka Koonfur Galbeed.
- Xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa kala ah;- 1-Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) 2- Hassan Abdulkadir Mohamed 3- Mahad Abdirahman Adan (Shub) 4- Ibrahim Adan Ali (Najah) 5- Hassan Abdi Mohamed (Ugaas Hassan) 6-Abdullahi Ali Watiin 7-Abdifatah Mahad Abdirahman 8-Abdimajid Mowlid Hassan 9-Amiin Mad Daruur 10-Abshir Aden Isak.
- Intaas kadib waxaa soo jawaabtay, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku magacaaban mas’uulka warfaafinta ee Lafta-gareen, kaas oo kamid ah shaqsiyaadka xayiraadda la saaray, wuxuuna sheegay in argoosi ay u arkaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
- Ugaas Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in natiijada go’aankan laga arki doono Teendhada Afisyooni oo ah halkii dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee dowladda ay hayso ee ka dhanka ah shakhsiyaadka la cunaqabateeyay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa cunaqabateyn maaliyadeed ku soo rogtay shakhsiyaad badan oo la xiriira Lafta-gareen.
- Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa dhaleeceeyay go'aanka dowladda, isagoo ku tilmaamay in ay tahay isticmaalka awood xun.
- Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane ayaa muujiyay diidmada uu u qabo tallaabooyinka dowladda, isagoo sheegay in ay tahay isticmaalka xun ee hay’adaha dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda taaabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay tallaabada ay maanta qaaday dowladda Soomaaliya oo cunaqabateyn kusoo rogtay shaqsiyaadkaas, kadib markii ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda kooxda Al-Shabaab.
Guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta Argagixisada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman ku daray shakhsiyaadkan oo haatan dagaal adag kula jiray maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa kala ah;- 1-Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) 2- Hassan Abdulkadir Mohamed 3- Mahad Abdirahman Adan (Shub) 4- Ibrahim Adan Ali (Najah) 5- Hassan Abdi Mohamed (Ugaas Hassan) 6-Abdullahi Ali Watiin 7-Abdifatah Mahad Abdirahman 8-Abdimajid Mowlid Hassan 9-Amiin Mad Daruur 10-Abshir Aden Isak.
Intaas kadib waxaa soo jawaabtay, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku magacaaban mas’uulka warfaafinta ee Lafta-gareen, kaas oo kamid ah shaqsiyaadka xayiraadda la saaray, wuxuuna sheegay in argoosi ay u arkaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in natiijada go’aankan laga arki doono Teendhada Afisyooni oo ah halkii dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Marka nidaamka maaliyada ee dalka,aargoosi loo isticmaalo, Sharcigii hawada aargoosi loo isticmaalo, ciidanka aargoosi loo isticmaalo, hubkii cunaqabataynta laga qaaday aargoosi loo isticmaalo, E-Visa aargoosi loo isticmaalo. Turkida aargoosi loo isticmaalo. Natiijada ka dhalan karta, waxaa laga dareemi doonaa Teendhada Afisiyooni,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdullahi Aadan kulane oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka fal-celiyay tallaabada ay qaaday dowladda ayaa kasoo horjeestay, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasad iyo dano gaar ah loo adeegsado hay’adaha dowladda.
“Xaqiiqadii waa ayaan darro in qof kaste oo siyaasad la isku hayaa looga faa’deysto in loo adeegsado Hey’adaha dowladda ee muhiimka u ah qarandhiska. Arrintaan waxay keeneysaa in madaxda maanta joogta ayagana loo adeegsado. Dowladnimadii waxay kusoo aruurtay aargoosi iyo aragti gaabni wadanka sii kala fogeyneysa,” ayuu yiri Cabdullahi Aadan Kulane.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku sii raaciyay ““Fallaartii Cirka loo ganay, waa taa soo foorartee, nin walboow filo”.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Kooxda Lafta-gareen ayaa ka jawaabtay cunaqabateynta dhawaan ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay shakhsiyaad lagu eedeeyay inay maalgelinayaan Al-Shabaab. Dowladda ayaa cunaqabateyn maaliyadeed ku soo rogtay shakhsiyaad badan oo la xiriira Lafta-gareen.
Qodobada muhiimka ah
- Kooxda Lafta-gareen ayaa ka jawaabtay cunaqabateynta dhawaan ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay shakhsiyaad lagu eedeeyay inay maalgelinayaan Al-Shabaab.
- Dowladda Soomaaliya ayaa cunaqabateyn maaliyadeed ku soo rogtay shakhsiyaad badan oo la xiriira Lafta-gareen.
- Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa dhaleeceeyay go'aanka dowladda, isagoo ku tilmaamay in ay tahay isticmaalka awood xun.
- Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane ayaa muujiyay diidmada uu u qabo tallaabooyinka dowladda, isagoo sheegay in ay tahay isticmaalka xun ee hay’adaha dowladda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada kooxda Lafta-gareen iyo mas'uuliyiinta dowladda.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay soo jeediyeen kooxda Lafta-gareen.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan eedeymaha.
Gunaanadka akhristaha
Jawaabta kooxda Lafta-gareen waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee u dhexeeya kooxaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee dowladda ay hayso ee ka dhanka ah shakhsiyaadka la cunaqabateeyay?
- Sidee ayey cunaqabateyntani u saameyn doontaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed?
- Maxay yihiin tallaabooyinka ay kooxda Lafta-gareen qaadi doonto si ay uga jawaabto cunaqabateyntan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · lafta · jawaab
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada