Lamaane Faransiis ah oo lagu xidhay Portugal ka dib markii wadada kaga tageen laba wiil
Maxkamad ayaa xukuntay in haweeney Faransiis ah iyo lammaaneheeda ay xabsiga ku sii jiri doonaan ka dib markii la sheegay inay ka tageen laba wiil oo ay dhashay oo ku sugnaa waddo dhinaceeda ah oo ku taal koonfurta Portugal. Wiilasha ayaa laga helay fiidkii Salaasadii todobaadkii hore iyaga oo ooyaya oo ku sugan meel u […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Maxkamad ayaa xukuntay in haweeney Faransiis ah iyo lammaaneheeda ay xabsiga ku sii jiri doonaan ka dib markii la sheegay inay ka tageen laba wiil oo ay dhashay oo ku sugnaa waddo dhinaceeda ah oo ku taal koonfurta Portugal.
Wiilasha ayaa laga helay fiidkii Salaasadii todobaadkii hore iyaga oo ooyaya oo ku sugan meel u dhow waddo u dhow Alcacer do Sal, oo qiyaastii 100km (60 mayl) koonfur ka xigta Lisbon. Haweeneyda iyo lammaaneheeda, oo ay mas’uuliyiintu ku sheegeen Marine R iyo Marc B, ayaa Khamiistii lagu xidhay Fatima.
Markii maxkamadda la geeyay subaxnimadii Sabtida, ninku wuxuu ku qayliyey af faransiis, isaga oo lahaa “waan idin jeclahay”, wuxuu u jeeday wiilasha.
Garsoore ayaa markii dambe amray in labadan qof la xidho ka hor maxkamadeynta, sida ay sheegeen warbaahinta Faransiiska iyo Bortuqiiska. Waxaa lagu eedeeyay arrimo daran, oo khatar gelin kara nafta wiilasha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan