Madaxa shirkadda Nvidia ee Mareykanka oo lugaha la galay fadeexad basaasnimo
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiShirkadda Nvidia ayaa ku dhawaaqday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan xiriirka la sheegay ee maamulaheeda guud Jensen Huang iyo haweeney ganacsato Shiineys ah oo lagu eedeeyay basaasnimo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Huang ayaa farriin uu Axaddii u diray shaqaalaha Nvidia ku qirtay inuu xaaskiisa khiyaamay, wuxuuna sheegay inuu si buuxda u qaadanayo mas’uuliyadda wixii uu sameeyay.
- “Waxaan dhaawacay xaaskayga iyo carruurteenna.
- Guddi ka kooban xubno madax-bannaan oo ka tirsan golaha maamulka Nvidia ayaa kormeeri doona baaritaanka, waxaana caawin doona la-taliyeyaal sharci oo ka baxsan shirkadda.
- Goluhu wuxuu sheegay inuusan hadda hayn sabab uu u rumaysto in amniga qaranka Mareykanka wax loo dhimay ama ay bannaanka u baxday xog sir u ahayd Nvidia, balse guddigu uu eegi doono dhammaan xogta la heli karo.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa khataraha suurtagalka ah ee sumcadda iyo howlaha Nvidia iyadoo la eedeeynayo basaasnimo, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka U.S.-China ee teknoolojiyadda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ka dhanka ah Huang?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Huang ayaa qirtay inuu xaaskiisa khiyaamay, wuxuuna muujiyay inuu ka xun yahay wixii uu sameeyay.
- Guddiga ka kooban xubno madax-bannaan oo ka tirsan golaha maamulka Nvidia ayaa kormeeri doona baaritaanka.
- Congress-ka oo dalbaday xog ayaa Huang ka codsaday inuu 18-ka Nofeembar ka soo qeyb galo kulan albaabbadu u xiran yihiin.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Shirkadda Nvidia ayaa Axaddii ku dhawaaqday baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo in maamulaheeda guud, Jensen Huang, uu bartilmaameed u noqday sirdoon shisheeye. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warbaahintu sheegtay in Huang uu xiriir dhow la lahaa haweeney ganacsato Shiineys ah oo lagu eedeeyay inay basaasad u aheyd Beijing.
Huang ayaa farriin uu Axaddii u diray shaqaalaha Nvidia ku qirtay inuu xaaskiisa khiyaamay, wuxuuna sheegay inuu si buuxda u qaadanayo mas’uuliyadda wixii uu sameeyay. Farriinta kuma uusan magacaabin qofka uu xiriirka la yeeshay.
“Waxaan dhaawacay xaaskayga iyo carruurteenna. Wax cudurdaar ah uma hayo wixii aan sameeyay. Aad ayaan uga xumahay,” ayuu yiri Huang.
Guddi ka kooban xubno madax-bannaan oo ka tirsan golaha maamulka Nvidia ayaa kormeeri doona baaritaanka, waxaana caawin doona la-taliyeyaal sharci oo ka baxsan shirkadda.
Goluhu wuxuu sheegay inuusan hadda hayn sabab uu u rumaysto in amniga qaranka Mareykanka wax loo dhimay ama ay bannaanka u baxday xog sir u ahayd Nvidia, balse guddigu uu eegi doono dhammaan xogta la heli karo.
Huang, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Nvidia sannadkii 1993, ayaa ballanqaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono guddiga. Wuxuu shaqaalaha, saamilayda iyo bahwadaagta shirkadda u sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu kalsoonidooda dib ugu kasban lahaa. Nvidia ayaa sheegtay inuu ka go’an yahay inuu sii wado hoggaaminteeda.
Tuhunka ku saabsan Megaspeed
Wargeyska The New York Times ayaa bishii Oktoobar sheegay in Jensen Huang uu xiriir dhow la lahaa Alice Huang, oo hore uga mid ahayd madaxda shirkadda Megaspeed ee fadhigeedu yahay Singapore.
Reuters, oo soo xiganaysa warbixintaas, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay baareen Alice Huang, kuna soo gaba-gabeeyeen inay la shaqeynaysay sirdoonka Shiinaha.
Megaspeed waxay Nvidia ka iibsataa chip-yada lagu shaqaysiiyo nidaamyada garaadka macmalka ah (AI). Hay’adaha Mareykanka ayaa baaray Megaspeed, iyagoo ka shakisan inay Beijing ka caawisay helitaanka chip-yo awood sare leh oo aan loo oggolayn in loo dhoofiyo Shiinaha.
Mareykanka ayaa sannadkii 2022 bilaabay inuu xaddido dhoofinta qaar ka mid ah chip-yada casriga ah iyo qalabka lagu sameeyo, si uu u yareeyo helitaanka Shiinaha ee teknoolojiyaddaas.
Nvidia ayaa hore u sheegtay in Jensen Huang uu sannad kasta la hadlo kumannaan madax oo ka tirsan shirkadaha macaamiisha u ah. Waxay intaas ku dartay in macaamiisheeda Aasiya ee bixiya adeegyada daruurta ay helaan xog ganacsi oo caadi ah, aysanna helin sirta shirkadda ama xog la xiriirta amniga qaranka Mareykanka.
Congress-ka oo dalbaday xog
Guddoomiyeyaasha saddex guddi oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa Huang ka codsaday inuu 18-ka Nofeembar ka soo qeyb galo kulan albaabbadu u xiran yihiin. Waxay doonayaan inuu ka warbixiyo xiriirka uu la lahaa Alice Huang iyo tallaabooyinka ay Nvidia kaga hortagto basaasnimada shisheeye.
Xildhibaannada ayaa warqad ay Huang u direen 4-tii Nofeembar ku sheegay in warbixinnadaasi ay abuureen walaac weyn oo ku saabsan in Shiinuhu heli karo teknoolojiyad iyo xog xasaasi u ah Mareykanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Huang markii ay wariyayaashu wax ka weydiiyeen fiidnimadii Axadda, sida ay Reuters sheegtay.
Baaritaanku wuxuu Nvidia ku soo aaday xilli ay saamiyadeedu lumiyeen dhammaan kororkii ay sameeyeen tan iyo bilowgii sannadka.
Nvidia, oo qiimaheeda suuqa lagu qiyaaso 4.5 tiriliyan oo doollar, waxay ka mid tahay shirkadaha teknoolojiyadda ee saamiyadoodu hoos u dhaceen, iyadoo maalgashadayaashu ay su’aal gelinayaan in kobaca suuqa AI-gu sii socon karo.
“Waxaa jirta halis ah in Jensen laga qaado xilka maamulaha guud, iyadoo ay ku xiran tahay natiijada baaritaanka,” ayuu Reuters u sheegay Dan Ives, oo ah maamule sare oo ka tirsan shirkadda maalgashiga Yorkville Ives & Co.
Wuxuu sheegay in doorka muhiimka ah ee Huang uu ku leeyahay qorshaha Nvidia ee caalamka uu warkan ka dhigayo mid cadaadis dheeraad ah saari kara saamiyada.
Ives ayaa sidoo kale sheegay inuu filayo in Congress-ku arrintan ka furo baaritaanno dhowr ah, isla markaana si dhow loo sii eego iibka chip-yada Nvidia ee Shiinaha.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Shirkadda Nvidia ayaa ku dhawaaqday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan xiriirka la sheegay ee maamulaheeda guud Jensen Huang iyo haweeney ganacsato Shiineys ah oo lagu eedeeyay basaasnimo. Huang ayaa qirtay inuu xaaskiisa khiyaamay, wuxuuna muujiyay inuu ka xun yahay wixii uu sameeyay.
Qodobada muhiimka ah
- Shirkadda Nvidia ayaa ku dhawaaqday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan xiriirka la sheegay ee maamulaheeda guud Jensen Huang iyo haweeney ganacsato Shiineys ah oo lagu eedeeyay basaasnimo.
- Huang ayaa qirtay inuu xaaskiisa khiyaamay, wuxuuna muujiyay inuu ka xun yahay wixii uu sameeyay.
- Guddiga ka kooban xubno madax-bannaan oo ka tirsan golaha maamulka Nvidia ayaa kormeeri doona baaritaanka.
- Congress-ka oo dalbaday xog ayaa Huang ka codsaday inuu 18-ka Nofeembar ka soo qeyb galo kulan albaabbadu u xiran yihiin.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Jensen Huang ee ku saabsan eedeymaha.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha basaasnimada.
- Maqaalku ma caddeynayo nooca gaarka ah ee baaritaanka.
Gunaanadka akhristaha
Madaxa shirkadda Nvidia ayaa baaritaan ku jira oo ku saabsan xiriirro la sheegay oo basaasnimo ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ku saabsan daacadnimada iyo amniga shirkadda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ka dhanka ah Huang?
- Sidee baaritaanku u saameyn doonaa howlaha iyo sumcadda Nvidia?
- Maxay yihiin tallaabooyinka ay Nvidia qaadi doonto si looga hortago khataraha basaasnimada mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa khataraha suurtagalka ah ee sumcadda iyo howlaha Nvidia iyadoo la eedeeynayo basaasnimo, taasoo saameyn ku yeelan karta xiriirka U.S.-China ee teknoolojiyadda. Natiijada baaritaanka ayaa saameyn ku yeelan karta kalsoonida maalgashadayaasha iyo kormeerka sharci.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · nvidia · shirkadda · mareykanka
Sii akhri
- Iran oo ka digtay saameynta dhaqaale ee dagaal cusub oo ay la gasho Mareykanka iyo Israa’iil
Jowhar
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Jowhar kana qeybgalaya caleema-saarka hoggaanka Hirshabeelle
Shabelle Media
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing ka jeediyey khudbad ku saabsan mustaqbalka warbaahinta
Shabelle Media