Madaxweynaha Senegal oo xilka ka qaaday saaxiibkiisii hore Ousmane Sonko.
Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Ousmane Sonko, wuxuuna kala diray dowladdii qaranka ka dib bilo xiisad ah oo u dhaxaysay labada nin. Wareegto lama filaan ah, oo uu TV-ga ka akhriyay kaaliye madaxweyne, ayaa lagu sheegay in Faye uu “joojiyay waajibaadkii” saaxiibkiisii hore ee siyaasadda Sonko iyo “sidaas darteedna […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Ousmane Sonko, wuxuuna kala diray dowladdii qaranka ka dib bilo xiisad ah oo u dhaxaysay labada nin.
Wareegto lama filaan ah, oo uu TV-ga ka akhriyay kaaliye madaxweyne, ayaa lagu sheegay in Faye uu “joojiyay waajibaadkii” saaxiibkiisii hore ee siyaasadda Sonko iyo “sidaas darteedna ay wasiirradiisii iyo xoghayayaasha dowladda ee xubnaha ka ah dowladdiisa aanay shaqaynayn”.
Sonko, oo ah shakhsi caan ka ah dhalinyarada Senegal, ayaa baraha bulshada ka sheegay inuu “ku seexan doono qalbi qabow”.
Kala qaybsanaantan ayaa timid iyada oo dalka uu wajahayo cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya, iyada oo deynta dadweynaha ay gaadhay 132% GDP-giisa, sida laga soo xigtay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan