Mareykanka oo ka hadlay wararka la xiriira in ciidankiisa uu kala baxay Ballidoogle
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiCiidanka Mareykanka ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in ay ka baxeen saldhigga Ballidoogle ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah howlgalada Mareykanka ee gobolka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMilatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay inay qorsheynayaan inay ciidamada dalkooda ka bixiyaan Soomaaliya ugu dambeyn dhammaadka 2027.
- “Si loo ilaaliyo amniga howlgallada, kama hadalno faahfaahinta howlgallada socda,” ayuu afhayeen u hadlay taliska AFRICOM u sheegay wargeyska Stars and Stripes.
- Afhayeenka ayaa intaas ku daray in talisku uu ciidamadiisa dib ugu kala meeleeyo goobo lagu xoojinayo howlgallada socda ee la-dagaallanka argagixisada.
- Jawaabtan ayaa timid kaddib markii warar soo baxay dhowr maalmood kahor ay sheegeen in ciidamada Mareykanka ay saldhigga ka baxeen dhowr maalmood ka hor.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Mareykanka ee ka baxay Ballidoogle waa imisa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidanka Mareykanka ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in ciidamadiisu ay ka baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
- Warar ayaa sheegaya in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay gacanta ku hayaan saldhigga kaddib bixitaanka Mareykanka.
- Mareykanku wuxuu weli duqeymo ka fulinayaa Soomaaliya, iyadoo duqeyn ka dhacday 21-kii Oktoobar iyo 23-kii Oktoobar.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in ciidamadiisu ay isaga baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo xarun muhiim ah u ahaa howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya.
“Si loo ilaaliyo amniga howlgallada, kama hadalno faahfaahinta howlgallada socda,” ayuu afhayeen u hadlay taliska AFRICOM u sheegay wargeyska Stars and Stripes.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in talisku uu ciidamadiisa dib ugu kala meeleeyo goobo lagu xoojinayo howlgallada socda ee la-dagaallanka argagixisada.
Jawaabtan ayaa timid kaddib markii warar soo baxay dhowr maalmood kahor ay sheegeen in ciidamada Mareykanka ay saldhigga ka baxeen dhowr maalmood ka hor.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada laga soo xigtay xogtan ayaa sheegay in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay gacanta ku hayaan saldhigga kaddib bixitaanka Mareykanka.
Weli ma cadda tirada ciidamada la sheegay inay baxeen, halka ay u guureen iyo in bixitaankooda la soo weriyey uu muujinayo isbeddel ballaaran oo ku yimid joogitaanka milatari ee Washington ee Soomaaliya.
Ballidoogle wuxuu qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan yahay Muqdisho. Saldhigga ayaa loo adeegsaday ururinta xogaha sirdoonka iyo tababarka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo la dagaallama kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 28-kii Sebteembar saldhigga kaga qeybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcaddii 12-aad ee Danab, sida uu sheegay xafiiskiisa.
Tababarka ciidamadaas ayaa isugu jiray xeeladaha dagaalka, daaweynta dhaawacyada goobaha dagaalka, xirfado farsamo iyo shuruucda xukuma colaadaha hubeysan.
Xamza ayaa Mareykanka uga mahadceliyey taageeradiisa, isagoo iskaashiga labada dal ku tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha Danab. Wuxuu sidoo kale ku celiyey in dowladdu hiigsaneyso ciidan awood u leh inuu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga dalka.
Duqeymaha oo socda
Wararka ku saabsan Ballidoogle ayaa soo baxaya iyadoo Mareykanku uu weli duqeymo ka fulinayo Soomaaliya.
AFRICOM ayaa sheegtay inay 23-kii Oktoobar, iyadoo la kaashaneysa dowladda Soomaaliya, duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay agagaarka Buulo Bashiir, oo qiyaastii toddobo kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Janaale.
Taliska ayaa sidoo kale diiwaangeliyey duqeyn 21-kii Oktoobar ka dhacday agagaarka Hargeysa Yare, oo qiyaastii 93 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Kismaayo. Ma uusan shaacin cutubyada ama qalabka loo adeegsaday howlgalkii 23-kii Oktoobar.
Dhanka kale, Uganda ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay billowday soo saarista ciidamadii Soomaaliya ku joogay heshiiska labada dal. Bixitaanka ciidamadaas ayaa la filayey in lagu soo gabagabeeyo maalmo gudahood.
Afhayeenka milatariga Uganda, Korneyl Chris Magezi, ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dalkiisa, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ay Soomaaliya ka bixi doonaan ugu dambeyn dhammaadka 2027.
Howlgalka AUSSOM ayaa qorsheynaya inuu inta lagu jiro isku beddelka ciidamada ee bisha Nofeembar la wareego afar saldhig oo ay banneynayaan ciidamada Uganda ee ku jooga heshiiska labada dal, sida ku cad warqad ku taariikheysan 31-kii Oktoobar oo ay heshay wakaaladda wararka Associated Press.
Goobahaas oo ku dhow Muqdisho ayaa kala ah Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad.
Qorshihii joogitaanka
Bishii Maajo 2025, ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa shaaciyey mashaariic laga fulinayey Ballidoogle, oo ay ku jireen xarun caafimaad, hoy dheeraad ah iyo xoojinta amniga saldhigga.
Taliska ayaa xilligaas sheegay in xarunta caafimaadku ay ciidamada siin doonto daryeel degdeg ah oo naf-badbaadin ah, isla markaana ay qeyb ka tahay horumarinta Ballidoogle si uu u noqdo goob muddo dheer la adeegsan karo.
Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hore u soo maray isbeddello. Bishii Diseembar 2020, xilligii koowaad ee Donald Trump, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in inta badan ciidamada iyo qalabkooda laga saarayo Soomaaliya horraanta 2021.
Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in qaar ka mid ah ciidamada loo wareejinayo dalalka deriska ah, si ay halkaas uga sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya.
Hase yeeshee, Joe Biden ayaa bishii Maajo 2022 oggolaaday in dib loo soo celiyo joogitaan ciidan oo joogto ah, halkii ciidamada mar kasta dalka loo keeni lahaa howlgal gaar ah, kaddibna laga saari lahaa.
John Kirby, oo markaas ahaa afhayeenka Pentagon-ka, ayaa sheegay in habka ciidamada marna dalka loo soo gelinayey marna looga saarayey uusan si hufan u shaqeyneyn, ayna sii adkaaneysay in la sii wado.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidanka Mareykanka ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in ay ka baxeen saldhigga Ballidoogle ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah howlgalada Mareykanka ee gobolka. Warar ayaa sheegaya in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay gacanta ku hayaan saldhigga kaddib bixitaanka Mareykanka.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidanka Mareykanka ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in ciidamadiisu ay ka baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
- Warar ayaa sheegaya in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay gacanta ku hayaan saldhigga kaddib bixitaanka Mareykanka.
- Mareykanku wuxuu weli duqeymo ka fulinayaa Soomaaliya, iyadoo duqeyn ka dhacday 21-kii Oktoobar iyo 23-kii Oktoobar.
- Milatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay inay qorsheynayaan inay ciidamada dalkooda ka bixiyaan Soomaaliya ugu dambeyn dhammaadka 2027.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira bixitaanka Mareykanka.
- Ma jiraan xaqiijin ku saabsan tirada ciidamada Mareykanka ee laga yaabo inay baxeen ama meelaha ay u guureen.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ciidanka Mareykanka ee ku saabsan bixitaanka.
Gunaanadka akhristaha
Bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Ballidoogle weli ma cadda, waxaana aan la hubin saameyntiisa amniga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Mareykanka ee ka baxay Ballidoogle waa imisa?
- Maxay yihiin saameynta bixitaanka Mareykanka ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab?
- Sidee bay gacanta ku haynta saldhigga Ballidoogle ee ciidamada Uganda iyo Soomaaliya u saameyn doontaa amniga gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wararka · mareykanka · ballidoogle
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada