Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somaligeneral

Maxaa Xiga 15ka May?

Mucaaradka ayaa ku doodaya in 15ka May 2026 uu ku egyahay muddaxileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo u daliishanaya Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la 2012kii, halka dawladdana…

SO
Maxaa Xiga 15ka May?
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Mucaaradka ayaa ku doodaya in 15ka May 2026 uu ku egyahay muddaxileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo u daliishanaya Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la 2012kii, halka dawladdana ay ku doodayso in muddaxileedka Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah uu ku egyahay 15ka May 2027, sida uu qabo dastuurka cusub ee ay dhowaan ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee JFS. Marka laga yimaado doodahaas isdiiddan, Madaxweynuhu haddii uusan geeriyoon amase uusan iscasilin, isaga ayaa ahaanaya hoggaamiyaha dalka inta laga helayo mid isaga beddela ama dib loogu soo doorto, waana sidii soojireenka ahayd, marka la joogo siyaasadda Soomaaliya. Taas waxa ay ka dhigan tahay in 16ka May uu dalka Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu Madaxweyne Hore Shariif Sheekh Axmed uu dalka u hoggaaminayay muddo toddobo bilood ah marka uu dhammaaday muddaxileedkiisii, Xasan Sheekhna uu 5 bilood oo dheeri ah Madaxweyne u ahaa, Farmaajana uu sannad iyo saddex bilood oo u dhiganta 15 bilood inuu dalka uga talinayay.

Mucaaradka laftigooda waxa ay u muuqdaan kuwa aan ka didsanayn wakhtiga dheeriga ah, marba haddii ay Dawladdu qabanayso nooca doorasho oo ay rabaan. Hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa hore u tibaaxay in aysan rabin doorashadii dadbanayd ee lagu soo caanamaalay, si la mid ahna aysan doonayn midda “qof iyo codka” ah ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, ayna soo bandhigi doonaan nooca doorasho ee ay damacsan yihiin. Goorma ayay soo bandhigayaan doorashada ay rabaan, sideese ugu eedi karaan Madaxweynaha in uu wakhtigiisu dhamaaday, iyada oo aan doorashada lagu heshiin, haddii ay iyaguba wakhtiga oo idlaaday aysan miiska soo saarin nooca doorasho ee ay rabaan?.

Maxaa Dhacay 15ka May?

Shalay oo ay ku beegnayd 15ka May, waxaa dhacay isbeddelo waaweyn oo saamayn taban ku yeeshay waanwaantii u dhexaysay mucaaradka iyo dawladda. Waxaa natiijo la’aan iyo isfahanwaa ku soo idlaaday kulankii xal-u-raadinta doorashooyinka oo ay soo qabanqaabiyeen Beesha Caalamka. Mucaaradka ayaa “Madaxweyne Hore” u aqoonsaday Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna fidiyeen ‘gogol aayakatashi ah’. Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa markii ugu horraysay goob fagaare ah kaga dhawaaqay in muddaxileedka hay’adaha dastuuriga ah uu yahay 5 sano, oo ku eg 15ka May 2027; iyo in “doorasho qof iyo cod ah” dalka laga qaban doono oo aan teendhada loo laaban doonin.

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneral15kamayxiga
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.