Maxay DF Soomaaliya ka tiri guusha Sagal Cabdiweli?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay Sagal Abdi-Wali doorashadeeda baarlamaanka UK, taasoo ah guul taariikhi ah oo u ah matalaadda Soomaalida.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaWaxaa la filayaa inay gasho Aqalka Baarlamaanka Britain iyadoo xiran xijaab.
- Xamza ayaa u rajeeyay Sagal inuu Ebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna tilmaamay in guusheeda ay ku farsaxan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
- “Waxaan qadka taleefoonka kula hadlay Sagal Cabdi Weli oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhowaan loo doortay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Boqortooyadda Ingiriiska.
- Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Sagaal u tsaale u noqotay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo xusay inay muujisay karti iyo dadaal dheeri ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Doorashada Sagal Abdi-Wali waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo u ah haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda waxayna iftiiminaysaa muuqaalka sii kordhaya ee Soomaalida ee siyaasadaha caalamiga ah.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan waajibaadka gaarka ah ee Sagal Abdi-Wali ay ku qaban doonto baarlamaanka UK?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay Sagal Abdi-Wali guusha taariikhiga ah ee ay ka gaartay doorashada baarlamaanka UK.
- Sagal ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah, isla markaana Muslim ah, oo ku guuleysata kursigaas.
- Sagal oo la sheegay inay dhalatay bishii Juun 1984.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xiriir la sameeyay Sagal Abdi-Wali oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhowaan loo doortay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Boqortooyadda Ingiriiska, isaga oo ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ay ee gaartay.
Xamza ayaa u rajeeyay Sagal inuu Ebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna tilmaamay in guusheeda ay ku farsaxan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
“Waxaan qadka taleefoonka kula hadlay Sagal Cabdi Weli oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhowaan loo doortay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Boqortooyadda Ingiriiska. Waxaan Sagal ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaartay doorashada, waxaanan u rajeeyay in alle u fududeeyo xilka culus ee ay xambaartay, aniga oo u sheegay sida dowladda, madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ugu faraxsanyihiin guusheeda oo ah mid taariikhi ah,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Sagaal u tsaale u noqotay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo xusay inay muujisay karti iyo dadaal dheeri ah.
“Sagal waxa ay tusaale wanaagsan u tahay qurba-joogta Soomaaliyeed ee dunida meelo kala duwan ku nool ee dedaalkooda iyo kartidooda ku gaaray xilal iyo darajooyin waaweyn,”
Xamza ayaa sidoo kale Sagal kula dardaarmay in ay si hufan u gudato xilkeeda, u shaqayso bulshadii baarlamaanka u dirsatay, kana qeybqaadato dedaal kasta oo lagu sii xoojinaya xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.
Sagal oo la sheegay inay dhalatay bishii Juun 1984 ayaa doorashada ku gashay loollan adag, iyadoo ka guuleysatay musharrax ka socday Xisbiga Cagaaran (Green Party) oo lagu magacaabo Zack Polanski. Kursigan waxaa hore ugu metelayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer, kaas oo horay u hayay xilka xildhibaannimo ee deegaanka Holborn and St Pancras.
Sagal ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah, isla markaana Muslim ah, oo ku guuleysata kursigaas. Waxaa la filayaa inay gasho Aqalka Baarlamaanka Britain iyadoo xiran xijaab.
Guusheeda ayaa muujinaysa sida dadka asal ahaan Soomaaliyeed ay uga dhex muuqanayaan siyaasadda dalalka ay degeen, iyagoo u tartamaya xilal kala duwan oo heer deegaan iyo heer qaran ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay Sagal Abdi-Wali doorashadeeda baarlamaanka UK, taasoo ah guul taariikhi ah oo u ah matalaadda Soomaalida.
Qodobada muhiimka ah
- Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay Sagal Abdi-Wali guusha taariikhiga ah ee ay ka gaartay doorashada baarlamaanka UK.
- Sagal ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah, isla markaana Muslim ah, oo ku guuleysata kursigaas.
- Sagal oo la sheegay inay dhalatay bishii Juun 1984.
- Sagal waxay ka guuleysatay musharrax ka socday Xisbiga Cagaaran (Green Party) oo lagu magacaabo Zack Polanski.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Sagal Abdi-Wali ama Xisbiga Cagaaran ee ku saabsan doorashada.
- Eedeymaha ku saabsan asalka Sagal iyo doorashadeeda waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Xamza Cabdi Barre iyo maqaalka laftiisa.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada ama taariikhda Sagal ma jirto.
Gunaanadka akhristaha
Doorashada Sagal Abdi-Wali ee baarlamaanka UK waa guul taariikhi ah oo u ah bulshada Soomaaliyeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan waajibaadka gaarka ah ee Sagal Abdi-Wali ay ku qaban doonto baarlamaanka UK?
- Sidee bay doorashadeeda u saameyn doontaa bulshada Soomaaliyeed ee UK?
- Maxay yihiin jawaabaha ka imaanaya xisbiyada kale ee ku saabsan doorashadeeda?
Sababta ay muhiim u tahay
Doorashada Sagal Abdi-Wali waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo u ah haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda waxayna iftiiminaysaa muuqaalka sii kordhaya ee Soomaalida ee siyaasadaha caalamiga ah.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sagal · soomaaliya · guusha