Maxkamada Sare oo ansixisay natiijada doorashada KoofurGalbeed
May 25(Jowhar)-Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka. Maxkamaddu waxay caddeysay in doorashooyinkaasi ay u dhaceen si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada u degsan doorashooyinka do

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 25(Jowhar)-Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka.
Maxkamaddu waxay caddeysay in doorashooyinkaasi ay u dhaceen si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada u degsan doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka.
Go’aankan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa ah tallaabo sharciyeed oo muhiim ah, maadaama uu si rasmi ah u dhammeystirayo hannaankii sharci ee doorashooyinka ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka ayaa la sheegay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habkii loo maareeyay doorashada, goobihii codbixinta, tirada ka qeybgalayaasha iyo natiijooyinka kama dambaysta ah ee kasoo baxay doorashooyinkaasi.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan