Midowga Afrika oo ansixiyay qorshe saddex weji leh oo lagu dhimayo ciidanka AUSSOM
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex weji ah oo lagu dhimayo ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo wejiga koowaad la qorsheeyay inuu socdo laga bilaabo November ilaa December 2026.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayQorshaha la ansixiyay ayaa ka kooban saddex weji.
- Golaha ayaa 25-kii November 2026 yeeshay shirkii 1380-aad, kaas oo si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya, mustaqbalka AUSSOM iyo qorshaha kala-guurka amniga dalka.
- Go’aan la gaarayGolaha ayaa sidoo kale ansixiyay wejiga koowaad iyo kan labaad ee dhimista ciidamada AUSSOM, isagoo sheegay in geeddi-socodkaasi u baahan yahay in loo fuliyo si tartiib ah oo isku-duwan, laguna saleeyo xaaladda amniga iyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
- Waxaa sidoo kale la xusay in mas’uuliyadda shan goobood oo ciidan hore loogu wareejiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyo ay hore uga howlgali jireen ciidamada AUSSOM.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsan doono qiimeynta xaaladda amniga inta lagu jiro wareejinta mas'uuliyadaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex weji ah oo lagu dhimayo ciidamada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
- Wejiga koowaad wuxuu soconayaa November ilaa December 2026.
- Wejiga labaad uu bilaabanayo January 2027 oo uu soconayo illaa December isla sanadkaas.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex weji ah oo lagu dhimayo ciidamada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo qorshaha uu dhigayo in si tartiib ah loo wareejiyo saldhigyada iyo mas’uuliyadda amniga, isla markaana la xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
Golaha ayaa 25-kii November 2026 yeeshay shirkii 1380-aad, kaas oo si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya, mustaqbalka AUSSOM iyo qorshaha kala-guurka amniga dalka. War-murtiyeedka kasoo baxay shirka ayaa lagu qeexay marxaladaha kala duwan ee dhimista ciidamada iyo qaabka loo wajahayo howlgalka wixii ka dambeeya 2027.
Qorshaha la ansixiyay ayaa ka kooban saddex weji. Wejiga koowaad wuxuu soconayaa November ilaa December 2026, halka wejiga labaad uu bilaabanayo January 2027 oo uu soconayo illaa December isla sanadkaas. Wejiga saddexaad ayaa la gelayaa wixii ka dambeeya 2027, iyadoo xilligaas lagu go’aamin doono qaabka cusub ee howlgalka iyo mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay wejiga koowaad iyo kan labaad ee dhimista ciidamada AUSSOM, isagoo sheegay in geeddi-socodkaasi u baahan yahay in loo fuliyo si tartiib ah oo isku-duwan, laguna saleeyo xaaladda amniga iyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la xusay in mas’uuliyadda shan goobood oo ciidan hore loogu wareejiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyo ay hore uga howlgali jireen ciidamada AUSSOM.
Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM ayaa la faray inay si wadajir ah u qiimeeyaan xaaladda amni ee goobaha ciidamada AUSSOM ay mas’uuliyadda ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, iyadoo natiijada qiimeyntaas la doonayo in la soo gudbiyo September 2027.
Golaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Guddiga Midowga Afrika inuu caddeeyo qorshaha mustaqbalka ee ciidamada hadda ku sugan Soomaaliya, maadaama muddada loo asteeyay joogitaankooda ay ku eg tahay 31-ka December 2026.
Golaha ayaa ka digay in dhimista ama bixitaanka ciidamada AUSSOM oo lagu saleeyo oo keliya duruufo dhaqaale, iyadoo aan la helin qorshe kala-guur oo mideysan ay abuuri karto firaaqo amni oo ay Al-Shabaab uga faa’iideysan karto dib ugu qabsashada magaalooyin istiraatiiji ah iyo waddooyinka muhiimka ah ee sahayda.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la qorsheynayo in mas’uuliyado dheeraad ah lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa bogaadiyay horumarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada wadajirka ah ee ay AUSSOM la fuliyeen ee Silent Storm iyo Rolling Thunder iyo howlgallada ay ciidamada Soomaaliya kaligood sameeyeen.
Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dalalka Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah inay sii wadaan taageerada dhaqaale iyo saadka ee AUSSOM iyo dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale bilaabaya dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddo-kordhin u sameeyo howlgalka taageerada saadka ee UNSOS ilaa 31-ka December 2027, iyadoo la siinayo dhaqaale iyo agab ku filan.
Golaha ayaa waxa kale oo uu bogaadiyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah iyo wada-hadallada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, iyadoo la tixgelinayo doorashooyinka qaranka ee 2027.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay in dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriya AUSSOM ay si buuxda uga qayb qaataan go’aannada la xiriira mustaqbalka howlgalka iyo qorshaha amniga Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex weji ah oo lagu dhimayo ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo wejiga koowaad la qorsheeyay inuu socdo laga bilaabo November ilaa December 2026.
Qodobada muhiimka ah
- Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex weji ah oo lagu dhimayo ciidamada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
- Wejiga koowaad wuxuu soconayaa November ilaa December 2026.
- Wejiga labaad uu bilaabanayo January 2027 oo uu soconayo illaa December isla sanadkaas.
- Midowga Afrika ayaa la faray inay si wadajir ah u qiimeeyaan xaaladda amni ee goobaha ciidamada AUSSOM ay mas’uuliyadda ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid AUSSOM ama dowladda Soomaaliya oo ku jirta maqaalka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Midowga Afrika iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Qorshaha Midowga Afrika ee dhimista ciidamada AUSSOM wuxuu calaamad u yahay isbeddel muhiim ah oo ku saabsan maareynta amniga Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin shuruudaha gaarka ah ee loo adeegsan doono qiimeynta xaaladda amniga inta lagu jiro wareejinta mas'uuliyadaha?
- Sidee ayay dhimista ciidamada AUSSOM u saameyn doontaa xaaladda amniga guud ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin tallaabooyinka lagu xakameynayo firaaqo amni inta lagu jiro kala-guurka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · saddex · dhimayo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Midowga Afrika oo maanta ka shiraya arimaha AUSSOM
Jowhar
- Muqdisho oo Aas Qaran loogu Sameeyay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble
Hiiraanweyn
- Turkiga ayaa furay dugsiga la hagaajiyay, dhagax dhigay ballaarinta isbitaalka gobolka Shabeelaha Dhexe ee Soomaaliya
Wardheer News