Midowga Afrika oo bayaan culus kasoo saaray wadahadalladii fashilmay ee Xalane
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo bayaan kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May ee sanadkan 2026. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay labada dhinac ee siyaasadda […] The post Midow

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo bayaan kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May ee sanadkan 2026.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay labada dhinac ee siyaasadda inay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, isla markaana ay muujiyaan tanaasul, sidoo kalena ay dhowraan nidaamka dastuuriga ah ee dalku leeyahay.
Sidoo kale bayaanka ayaa loogu digay labada dhinac ay sii kala fogaadaan, taas oo uga dari karta xaaladda siyaasadeed ee haatan cakiran, isla markaana dalka gelin karta qalalaase horleh.
Dhanka kale, Ururka ayaa soo dhaweeyay dadaallada dhex-dhexaadinta ee xubanaha beesha caalamka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay isku soo dhaweynta labada dhinac, si xal looga gaaro khilaafka taagan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan