Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Mucaaradka oo War Kasoo Saaray Howlgalka Hotel Elite iyo Xiisadda Ka Taagan Degmada Cabdicasiis

Muqdisho – Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa war cusub kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite ee xeebta Liido iyo xiisadda maanta ka taagan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. War kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si xoog ah ku galeen Hotel Elite oo ku […]

SO
Mucaaradka oo War Kasoo Saaray Howlgalka Hotel Elite iyo Xiisadda Ka Taagan Degmada Cabdicasiis
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Mucaaradka ayaa war kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite iyo xiisad ka taagan degmada Cabdicasiis.

Maxaa la shaaciyey

  1. Ciidamada dowladda ayaa si xoog ah u galay Hotel Elite oo leh Cabdullaahi Maxamed Nuur.
  2. Mucaaradka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu sii hurin karo xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho.
  3. Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah degmada Cabdicasiis.

Macnaha guud

Xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa kacsan kaddib dagaallo sababay khasaarooyin.

Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni.

Cabdullaahi Maxamed Nuur
Hotel Elite, xeebta Liido iyo degmada Cabdicasiis, gobolka Banaadir
2026-06-06

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Muqdisho.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa war cusub kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite ee xeebta Liido iyo xiisadda maanta ka taagan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si xoog ah ku galeen Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido, isla markaana uu leeyahay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sida ay sheegeen, ciidamada ayaa hubkii ka qaaday ilaalada hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin qeybaha kala duwan ee hoteelka, iyagoo sheegayay inay wadaan baaritaanno la xiriira hub la tuhunsan yahay in halkaasi lagu keydiyay.

Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in laga fogaado falal horseedi kara iska horimaadyo hor leh.

Dhanka kale, xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa maanta kacsan, kaddib markii Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu degmada ka bilaabayo howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah. Qorshahan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib dagaallo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralhoteltaagandegmada
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.